Nabad-doon caan ahaa oo toogasho lagu dilay !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee xarunta Goboka Hiiraan, ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay Nabadoon caan ka ahaa Magaaladaasi.

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Xasan Daahiye, waxa uuna kamid ahaa Nabadoonada xaliya Khilaafaatka Beelaha Gobolkaasi dega.

Qaar ka mid ah ehelada marxuumka geeriyooday ee la dilay ayaa inoo xaqiijiyay dilka,wallow faah faahin dheeraad ah aysan weli ka bixin sababta ka dambeysay dilkiisa.

Dilka ayaa waxaa fuliyay ilaa Seddex ruux oo ku hubeysnaa Bastoolado kuwaasi oo dilka kadib ka baxsaday goobta, mana jirto cid loo qabtay dilka Nabadoonka.

Jawiga Magaalada ayaa iminka ah mid degan waxa ayna dadku yihiin kuwo is weydiinaayo ujeedada laga lahaa dilka Nabadoonka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com