Xubnaha ka socda kooxaha Dam-Jadiid iyo Aala Sheekh ee Cadaado oo laba meel kala degay

Muqdisho (Caasimada Online)-Ilo xogagaal ka tirsan Ergooyinka ka qeyb galaaya shirka Maamulka loogu sameynaayo G/Dhexe ee dalka Somalia ayaa kusoo waramaayo in Xubnaha ka kala socda Damjadiid iyo Aalla Sheekh ee jooga Cadaado laba meel kala dageen.

Arrintaani ayaa timid kadib markii labada garab ay noqdeen kaliya kuwa ku tartamaayo qabashada xilka madaxtinimo ee Maamulka.

Garabka Damjadiid ayaa wadata ilaa Afar musharaxiin, balse hamiga ugu weyn ayaa ah in xilkaasi uu kusoo baxo C/kariin Xuseen Gulleed, haddii taasi la waayo xilkaasi uusan dhaafin Seddexda kale ee keydka u ah.

Aalla Sheekh, ayaa waxa ay iyaduna wadataa ilaa Seddex xubnood oo uu ugu horeeyo Axmed Fiqi, waxa ayna inta badan dhaqaale xoogan ku bixinayaan sidii xilkaasi uu u qaban lahaa, hadii laga maarmi waayana labada soo hartay midkood uu xilkaasi seegin.

Sidoo kale, Siyaasad ahaan waxaa iminka Magaalada Cadaado ku kala qeybsan labadaasi garab oo midba midka kale il gaar ah ku hayo, waxaana suuragal ah in loolanka uusan ka badnaan labada garab oo dhaqaale xoogan isu adeegsanaayo.

Xubnaha ayaa sidoo kale magaalada Cadaado ka kala degay laba qeyb si kooxba kooxda kale ay uga ilaalsato xogteeda.

Geesta kale, Siyaasado isdiidan ayaa si xooli ah uga socdo Magaalada Cadaado, waxaana taasi barbar socda xubnaha xilkaasi u tartameysa oo kala shukaaminaayo Ergooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com