Dagaalki Sool oo dhaliyey khasaaro badan (beelaha dagaalamay yey yihiin?)

Dhumay (Caasimadda Online) – Waxaa markale uu dagaal u dhexeeya beelaha Qayaad (Kheyr Cabdi) iyo Bahararsame oo ka wada tirsan Dhulbahante ku dhexmaray deegaanka Dhumay ee Koonfurta Gobolka Sool iyo laba tuulo oo hoos yimaada sida; Xaaxi iyo Daanqoray.

Sida ay Caasimadda Online ku heshay xog rasmi ah, dagaalka  oo bilowday saaka hiirtii hore waxaa ku dhintay 30 qofood in ka badan oo labada dhinac ah halka dhaawaca uusan xisaab lahayn.

Sida ay ilo xog ogaal ah oo deegaanka Dhumay ka qaxay oo ay Caasimadda Online la xiriirtay sheegeen, dagaalka waxaa qeyb ka ah maamulka Somaliland oo mid ka mid ah beelaha dhiiladda u dhexeyso garab siinaya waxaana la arkay ciidankooda oo dagaalka dhinac ka ah.

Collaada u dhexeysa beelaha Bahararsame  iyo Qayaad ayaa noqotay mid loo caal waayey oo hadda u muuqda in ay xalinteeda Isimada Dhulbahante ku fashilmeen.

Dhawr bilood kahor ayuu dagaalka labadaas beelood u dhexeeya isla Dhumay ka qarxay halka sanadkii horena sidan oo kale loogu hoobtay.

Lama oga ujeedada ka dambeysa inay Somaliland gadaal uga riixeyso dagaalka.

Xaaladda deegaanka Dhumay hadda waa mid yara dagan hase ahaatee wax walba ayaa dhici kara mar walba.

Caasimada Online
Xafiiska  Dhumay
Caasimada@live.com