PUNTLAND oo war kasoo saartay dagaalkii cuslaa ee maanta ka dhaca SOOL

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dagaalka ka soo cusboonaaday degaanka Dhumay ee gobolka Sool.

Dagaalka ayaa u dhexeeyay laba beel oo walaalo ah islamarkaana wada dega deegaanka uu dagaalka ka dhacay.

Qoraal uu soo saaray maamulka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in colaadan ay tahay mid soo noq noqatay isla markaana ay abaabuleen Somaliland.

Puntland ayaa sheegtay in Somaliland ay cadow ku tahay jiritaanka, nabadda iyo xasiloonida shacabka xigtada ah ee halkaasi wada dega.

Puntland ayaa labada beelood ee colaada ay ka dhaxeyso waxa ay ugu baaqday inay si deg deg ah ku joojiyaan xiisada.

Mas’uuliyiinta, culimada iyo dhammaan shacabka ayaa lagu booriyay inay ka qeyb qaataan sidii loo soo afjari lahaa colaada.

Sidoo kale, qoraalka oo ah mid gaaban isla markaana ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay si mugleh uga qeyb qaadato daminta colaada degaanka Dhumay ee gobolka Sool.