Boqorka Sucuudiga oo ka tacsiyeeyay dilka Khashuqji

Riyadh (Caasimadda Online) – Mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa dilka Jamaal Khaashuqji ku sheegay “howlgal khaldamay”, iyagoo bixiyay macluumaad horleh oo sii huriyay carada caalamka, balse ka duwan kuwii horey uga soo yeeray.

Wasiirka arrimaha dibadda Caadil Al-Jubeyr ayaa warbaahinta Fox News u sheegay in “dilka” uu ahaa “khalad aad u weyn” wuxuuna beeniyay in dhaxal sugaha boqortooyada ee awoodda badan uu amray dilkaas.

Sida ay tabinayso wakaaladda wararka ee Sucuudiga, Boqor Salmaan iyo wiilkiisa ayaa labaduba taleefoon kula hadlay wiilka uu dhalay Jamaal Khaashoqji oo Saalax lagu magacaabo, iyaga oo oga tacsiyeeyay dilka aabihiis loo geystay.

Wariyahaas ayaa markii ugu dambeysay la arkayay isagoo sii galaya Qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istambul.

Mas’uuliyiinta Sucuudiga oo cadaadis xooggan uu ku saarnaa iney meel ku sheegaan wariyahaas ayaa bixiyay hadallo iyo macluumaad iska hor imaanaya.

Markii hore waxay sheegeen in 2dii Oktoobar uu si nabad ah uga baxay qunsuliyadda isagoo aan waxba la yeelin, balse maalintii Jimcaha ayey markii ugu horreysay qirteen inuu dhintay, iyagoo sheegay in lagu dilay dagaal ka dhacay qudaha qunsuliyadda.

Saraakiisha Turkiga ayaa aaminsan in Khaashuqji, oo ahaa suxufi caan ah oo dhaliili jiray dowladda Sucuudiga, ay dileen koox ka socotay sirdoonka Sucuudiga oo loogu tala galay, waxayna sheegeen iney caddeyn u hayaan arrintaas.

Hadalka Caadil Al-Jubeyr uu ku xaqiijiyay dilka ayaa ah mid ka mid ah oraahyada sida tooska ah uga yimid saraakiisha Sucuudiga.

“Waxaa naga go’an inaan soo saarno dhammaan xaqiiqooyinka waxaana naga go’an inaan ciqaabno kuwii mas’uulka ka ahaa dilkaas”, ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas raaciyay: “Shakhsiyaadka arrintan sameeyay waxay isticmaaleen awood aysan lahayn”.

“Dabcan waxaa la sameeyay khalad aad u baaxad weyn, waxa xaaladda uga sii darayna waxay ahayd in khaladkaas la isku dayay in la daboolo”.

Wuxuu sheegay in aysan ilaa hadda ogeyn halka uu jiro meydka, sidoo kalena ficilkaas uusan waxba ka ogeyn dhaxal sugaha boqortooyada Maxamed Bin Salmaan, oo loo arko inuu yahay shakhsiga ugu awoodda badan dalka Sucuudiga.

Caasimada Online
Xafiiska  Riyadh
Caasimada@live.com