Khilaafka GALMUDUG oo gaaray heerki ugu adkaa

Cadaado (Caasimada Online)-Waxaa sii kordhaya khilaafka ka dhex aloosan Madaxda maamulka Galmudug kaa oo kala fogeeyay mas’uuliyiinta maamulka oo iminka kala fadhiya xarumo ku kala yaala Dhuusomareeb iyo Cadaado.

Khilaafka oo ah mid muuqda ayaa yimid kadib markii madaxda maamulka ay isku maandhaafeen fulinta qaar ka mid ah qodobo ka soo baxay heshiiskii Ahlu-Sunn Waljameeca iyo Galmudug.

Khilaafka madaxda maamulka iyo kala qaybsanaanta siyaasadeed ee taagan ayaa sababtay xil ka qaadis qaar ka mid ah xubnaha sare ee madaxda iyo doorashooyin lagu buuxinayo boosaskii la sheegay in laga qaaday.

Khilaafka madaxda Galmudug ee hadda taagan waxa uu sababay in maamulka uu yeesho Laba Madaxweyne, Laba Madaxweyne ku-xigeen, Laba Guddoomiye baarlamaan iyo Laba Guddoomiye ku-xiigeen baarlamaan, taa oo ragaadisay dhamaan howlihii maamulka.

Doorashooyinka khilaafka soo dadajiyay ee ka dhacay deegaanada maamulka ayaa waxaa kamid ahaa doorashada 14-ka bishan Dhuusamreeb ka dhacday ee lagu doortay guddoomiye baarlamaan, halka Cadaado xildhibaano ku kulmay ay iyaguna  sheegeen in ay kalsoonidii kala laabteen madaxweynaha maamulka.

20-kii bishan xildhibaano ku shiray magaalada Cadaado ay madaxweyne u doorteen Axmed Maxamed Xasan Baasto oo soo dhaweyn weyn loo sameeyay kadib markii uu guul ka gaaray doorasho muddo kooban ku dhacday.

Xildhibaanada maamulka Galmudug ayaa iminka u kala jabay 3 qeyb oo kala ah Mucaarad, Muxaafid iyo dhexdhexaad, balse waxa ay dhamaantooda ka siman yihiin in Siyaasada Galmudug ay sii qasnaato inta laga helaayo xal.

Xildhibanada qaar oo kulamo kala duwan ku yeeshay magaalada Cadaado ayaa sheegay inay doorbidayaan in gabi ahaan maamulka la kala diro inta uu sii shaqeyn lahaa Xaaf oo isagu Siyaasada maamulka hoosgeeyay Puntland iyo Jubbaland.

Beesha caalamka ayaa loo diiday inay faragaliso Khilaafyada u dhexeeya Dowlada Somalia iyo Galmudug iyo Khilaafka gaarka ah ee ka dhexeeya madaxda maamulka oo dhinac ah.

Si kastaba ha ahaatee, Siyaasadaha isdiidan ee kataagan Galmudug ayaa waxaa kaalin ka qaadanaya maamulada Puntland, Jubbalan, Koonfur Galbeed iyo Dowlada Somalia oo la sheegay inay leedahay abaabulka doorashooyinka iska soo horjeeda.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com