Abiye Axmed oo magacaabay Wasiiru Dowlayaal ay ku jiraan xubno Soomaali ah

By Saalax Saciid Sabriye

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa magacaabay afar Wasiiru dowle oo xubin ka noqonaya Golihiisa Wasiirrada ee ka kooban 20ka Xubnood.

Afarta wasiiru dowle ayaa kala ah wasiiru dowlaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta,waxaana loo magacaabay Eyob Tekalign Tolina, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Nabadda oo loo magacaabay Zeynu Jemal, oo sidoo kalena ah Taliyaha Booliska Federaalka Itoobiya.

Waxaa kale oo la magacaabay Misganu Arga, oo ahaa Danjirihii hore ee Itoobiya u fadhiyay Qadar,waxaana laga dhigay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Warshadaha iyo ganacsiga, sidoo kale Prof C/waasac Cabdullahi Bade ayaa loo magacaabay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Cilmiga.

C/Waasac waxaa uu hadda yahay kaaliye sare oo ka tirsan Jaamacadda Adis ababa University,waxaana uu aad u dhaliili jiray Cabdi Maxamuud Cumar,madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida.

Caasimada Online
Xafiiska Adis Ababa
Caasimada@live.com