Arag Sawirro: Musharraxa ay wadato DF oo gaaray magaalada BAYDHABA

Baydhabo (Caasimadda Online) – Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Manta gaaray Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen),iyad aoo siwyen loogu soo dhaweeyay.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacbaka ayaa safarkiisa ku wehliya,waxaana saacadaha nasoo aadan uu ku dhawaaqi doonaa inuu yahay musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

C/casiis Lafta Gareen ayaa ka mid ah Musharaxiinta ugu cad cad ee xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed, waxaana lagu wadaa inuu Baydhabo kaga dhawaaqo Musharaxnimadiisa.

Wararka ayaa sheegaya in socdaalkiisa ay ku wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo saaka ka raacay magaalada Muqdisho.

Diyaarad siday gawaarida aan xabadaha karin iyo Ilaaladiisa ayaa shalay gaaray magaalada Baydhabo, waxaa la filayaa inuu noqdo Musharaxa ugu culus.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Mr C/casiis Lafta Gareen uu noqon doono Musharaxa ay taageereyso Madaxtooyada iyo Xukuumadda, si uu loolan ula galo Madaxweyne Shariif Xasan.

Haddii uu si rasmi ah ugu dhawaaqo Musharaxnimadiisa, wuxuu lumin doonaa Kursigiisa Xildhibaannimo iyo xilka Wasiir uu ka haayo Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Kheyre.

C/casiis Lafta Gareen ayaa lagu xusuustaa qamaarkiisa siyaasadeed, kaddib markii uu iska casilay Xil Wasiir kuxigeen ah, iskuna sharxay Guddoomiye Baarlamaan, waxaana uu ka tanaasulay doorashada wareegii labaad, kaddib gorgortan lagula galay in la siiyo Xil Wasiir.