Dagaalkii u cuslaa oo maanta ka dhacay duleedka Caad iyo buurihii lagu dagaalay oo…

Shabeelow (Caasimada Online) –Faahfaahino dheeraad ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo maanta ka dhacay duleedka deegaanka Caad ee gobolka Mudug, dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidanka xoogga dalka ay weerareen dhufeysyadii Al-Shabaab.

Buur lagu magacaabo Jeex-jeex oo Shabaab ay ka difaacanayaan deegaanka Caad ayaa saakay lagu weeraray kooxda, waxay ciidanku la kulmeen iska caabin culus, maadaama ay halkaas isugu keeneen waxay ciidan heysteen.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii saakay waaberigii hore ay ciidamadu weerar ku qaadeen dhufeysyadii kooxda, halkaas waxaa maanta oo dhan ka socday dagaal la isku riiqmay oo Shabaab lagu gaarsiiyey khasaare culus.

Galabta salaadii Casir kadib, waxaa la sheegay in ciidamada xoogga dalka ay dib uga gurteen goobtii lagu dagaalamayey, iyagoo dib ugu laabtay buuraha Shabeelow oo saakay ay weerarka ka qaadeen.

Dad ku nool deegaanka Caad oo kooxda Shabaab ay maamusho ayaa Caasimada Online u sheegay in meydad iyo dhaawacyo badan ay kooxdu galabta geysay Caad, kuwaas oo ay u la’yihiin daawooyin iyo dhakhaatiir.

Ciidamada xoogga dalka dhankooda waxaa la sheegay in dagaalkaas uu maanta ka soo gaaray khasaare u badan dhaawacyo, kuwaas oo la geeyey Wisil, waxaana diyaarad loogu qaadayaa Muqdisho.

Dagaalkii maanta ka dhacay duleedka Caad wuxuu ahaa mid ka mid ah dagaaladii ugu cuslaa ee ka dhacay Mudug, kooxda ayaa wixii ciidan ahaa isugu keentay aagga deegaanka Caad, waxaana adag in si fudud looga xoreeyo, sida ay soo werinayaan dadka deegaanka.

Maanta, ma jirin wax duqeyn ah, maadaama ay ciidamadu is dhex galeen oo dagaalku ahaa mid toos ah, balse caawa waxay saraakiishu noo sheegeen inay ka beegsanayaan duqeymo culus, si looga saaro dhufeysyada.