Sawirro: Safiirka Imaaraadka oo kulamo ka wada Muqdisho – Maxaa looga hadlay?

Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Sheekh Aadan Madoobe ayaa xafiiska Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta kulan kula qaatay xubnaha guddiga iyo Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Ahmed Jumah Alromaithi.

Xubnaha guddiga oo uu hogaaaminayo guddoomiyaha Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta Xildhibaaan Mustaf Dhuxulow ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga warbixiyay howlaha guddiga u qabsoomay tan iyo intii la magacaabay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xubnaha ku amaanay howsha muhiimka ah ee ay hayaan iyo sida ay ugu howlanyihiin ka mira dhalinta howsha loo magacaabay.

Guddoomiyaha ayaa guddiga kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee Baarlamaanada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Safiirka kula dardaarmay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dowladood iyo in la sii laba jibaaro xiriirka Saaxiibtinimo ee labada Baarlamaan.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda SoDMA waxa uu ku qaabilay Safiirka Dowladda Iskutagga Imaaraatka Carabta danjire Axmed Jumca Al-rumeysi.

Guddoomiyaha iyo Safiirka ayaa kawada hadlay dowrka dowladda Imaaraadka Carabta ee ku aaddan arrimaha la tacaalida fatahaada ka jirta guud ahaan dalka iyo sidii dib u dayactir loogu sameyn lahaa buundooyinka ka burburay magaalooyinka qaar ay fatahaadaha ka dhaceen.

Safiir Axmed Jumca Al-rumeysi ayaa u ballan qaaday hay’adda SoDMA in ay sii labo jibaari doonaan garab istaagga shacabka Soomaaliyeed iyo in ay ka qayb qaadan doonaan dib u habaynta bundooyinka ku burburay fatahaada ka dhacday dalka.