Dagaallo khasaare geystay oo ka dhacay GALGADUUD

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta dagaal khasaare geystay uu markale dib uga qarxay deegaanka Kaxandhaale ee gobolkaasi, kaas oo u dhexeeyey labo maleeshiyo beeleed.

Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey waxaa ku dhintay ugu yaraan illaa saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.

Maleeshiyaadka dagaalamaya ayaa kasoo kala jeeda deegaanada Galinsoor iyo Dhabad, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad kacsan.

Dhanka kale waxaa dagaal kale oo u dhexeeyo beello walaalo ah uu ka dhacay deegaanka Xananbuure ee isla gobolka Galgaduud, kaas oo galay maalintii 3-aad.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka deegaanka ay isaga barakaceen guryahooda, si ay uga fogaadaan waxyeelo kasoo gaarta dagaalladaasi oo ah kuwa soo noq-noqday.

Weli ma jiro wa hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Galmudug oo ku aadan dagaalladaasi.

Inta badan Galgaduud iyo Mudug waxaa kusoo laa laabta dagaal beeleedyada, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.