Wararkii ugu dambeeyey SHIRKA Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxa si weyn uga socda diyaar garoowga furitaanka shirka wada-tashiga madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu shirka u furmo si rasmi ah, waxaana magaalada Dhuusamareeb ku sugan Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisal Wasaare Rooble iyo Madaxda Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland & Galmudug oo shirka marti-gelineysa.

Sidoo kale waxa kusoo wajahan magaalada Dhuusamareeb Madaxweynaha Puntland & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, oo iyagu qeyb ka ah shirka wada-tashiga ee looga hadlayo is-mari-waaga doorashada oo muddooyinkii dambe marayay meel xasaasi ah.

Waxaa si weyn loo adkeeyay amaanka magaalada Dhuusamareeb, iyada oo waddooyinka muhiimka iyo xaafadaha qaar lagu daadiyay ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Galmudug, oo ka wada-shaqeynaya xaqiijinta amniga.

Sida qorshuhu yahay waxaa shirkan xal kama dambeys ah looga gaaraya xaaladda dalka iyo doorashooyinka, gaar ahaan tabashada ay qabaan madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland, oo iyagu hore u qaadacay hanaanka doorashada, balse kusoo dabcay waan-waanta beesha caalamka.

Waxaa isha lagu wada hayaa natiijada kasoo bixi doonta shirka Dhuusamareeb, maadama uu khilaafka doorashada xiisad cakiran ka abuuray dalka, xili maalmo tirsan ay ka harsan yihiin muddo xileedka madaxweynaha.