Dahabshiil Group iyo Marina Beach Estate oo SHIRKAD heer sare ah ku dhowaaqay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dahabshiil Group iyo Marina Beach Estate ayaa ku dhawaaqay dhismaha shirkada cusub oo lagu magacaabo Dahab Marina Beach Estate LTD, taasi oo hirgelin doont mashruuc dhul baxaad ballaarn loogu dhisayo guryo saaran xeebta Muqdisho.

War-saxaafadeed ay si wada-jir ah u soo saareen Dahabshiil Group iyo Marin Beach Estate ayaa waxaa lagu sheegay in Dahab Marina Beach Estate ay noqon doontaa hormuudka degaanada Geeska Afrika ugu horeeya xagga Booska iyo Bilicda.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in Daahfurka iyo bilaabidda dhismaha ay dhici doonaan December 2021, dhismaha mashruucana uu bilaabmi doono ugu danbeyn rubuca labaad ee 2022 ama ka hor.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Dahabshiil Group iyo Marina Beach Estate waxa ay ku faraxsan yihiin baahinta heshiis laba
geesood ah oo ku dhisan istiraatijiyad mustaqbalka fog ah, kaas oo ay ku abuurayaan shirkad wadaag ah oo lagu magacaabo Dahab Marina Beach Estate LTD.

Shirkaddan ayaa ka shaqayn doonta hirgelinta mashruuca Dahab Marina Beach Estate, oo dhul dhan 1,000,000 SQM looga dhisayo guryo xeebta saaran, oo in ka yar 5km u jira bartamaha magaalada Muqdisho.

Dahab Marina Beach Estate waxa ay noqon doontaa hormuudka degaanada Geeska Afrika ugu horeeya xagga Booska iyo Bilicda, lehna wadooyin ku teedsan badda oo dhererkoodu gaarayo 2km, kana kooban degaan casri ah, goobo ganacsi, madadaalo, caafimaad, waxbarasho iyo adeegyo kale oo badan.

Naqshadaynta iyo maalgelinta mashruucan waxa iska leh Dahabshiil Real Estate Company iyo injineero caalami ah oo ay Dahabshiil is-bahaysi leeyihiin, kuwaas oo alifay soona dhisay qaab dhismeedyo casri ah oo ku yaal meelo badan oo aduunka ka mid ah.

Daahfurka iyo bilaabidda dhismaha wadooyinka waxa ay dhici doonaan December 2021, dhismaha mashruucana waxa uu bilaaban doonaa ugu danbeyn rubuca labaad ee 2022 ama ka hor.