Dakhliga Kenya kasoo gala waxyaabaha ay dhoofiso Somalia oo yaraaday 93%

Nairobi (Caasimada Online) – Dakhliga Kenya kasoo gala badeecadaha loo dhoofiyo Soomaaliya ayaa bishii September 2019 hoos ugu dhacay heerkii ugu xumaa shan sano, xilli ay jirto xiisadda muranka badda ee ka dhex oogan labada dal.

Qiimaha badeecadaha ay Kenya u dhoofisay Soomaaliya bishii September, oo uu ugu badan yahay khaatka, ayaa sanadkan hoos u dhacay 93.5%, wuxuuna ahaa 647 milyan oo shillin una dhiganta 6.3 milyan oo dollar, halka sanad ka hor bishan oo kale uu ka ahaa 1.25 bilyan oo Kenya shillin, una dhiganta ku dhowaad 12 milyan oo dollar, sida ku cad warbixinta Bankiga Dhexe ee Kenya (CBK).

Waa dakhligii ugu hooseeyey ee muddo bil ah Kenya kasoo galay waxyaabaha ay u dhoofiso Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa sanado badan ahayd suuqa ugu weyn ee khaatka Kenya, halkaas oo ay kasoo gasho malaayiin dollar.

Hoos u dhacan ayaa loo sababaynayaa abaaro xooggan oo dhowaanahan ka jiray qeybo ka mid ah Kenya oo saameeyey beeraleyda khaatka, oo aan wax badan soo saarin, iyo xiisadda ka dhalatay muranka badda Soomaaliya ee u dhaxeeya labada dal.

Kimathi Munjuri, oo ah guddoomiyaha ganacstada khaadka Kenya ee Nyambene, ayaa sheegay in ka sokow is-beddelka cimilada, ay xiisadda Soomaaliya iyo Kenya ay saamaysay khaatkii ay u dhoofin jireen Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay mararka qaar dib u celiso qaar ka mid ah khaatka ay u diraan Soomaaliya, islamarkaana ay taas walaac ku abuurtay.