Dal ma lagu hoggaamiyaa sidaas? Farriinta uu diray kulankii Kheyre iyo Mursal

Habeenkii Isniinta waxaa uu kulan sulux u muuqday dhexmaray Ra’iiusl Wasaare Xassan Cali Kheyre iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Shiekh Cabdiraxmaan.

Ma xuma in la wada fariisto, la wada hadlo oo laga heshiiyo khilaafka ka jira, balse sidii uu kulanka u dhacay ma ahayn mid dareen qurxoon bixiyey haddii xataa la is afgartay oo la wada qoslay.

Waa sax, waxaa la isku afgartay sida warbaahinta loo sheegay iyo bulshada in laamaha kala madaxa bannaan is ixriraamaan oo mid walba loo daayo shaqadeeda, laakiin far baa ii taagan!

Kulanka halkee ayuuka dhacay?

Labada hoggaamiye waxa ay ku kulmeen xarunta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo mid walba waxa uu u soo galay safar halkaas.

Arrintan ayaa imaaneysa kaddib markii uu Gudoomiyaha baarlamaanka oo ka cabanaya in gurigiisa ku yaal Madaxtooyada lagu cuna qabateeyey taas oo dhalisay in uu u digo rogto Hotel Shabeel oo agagaarka Madaarka Aadan Cadde jidkiisa ku yaal.

Farriinta uu diray?

Waxaa laga fahmi karaa ama ay tahay in labada hoggaamiye ay isku waafaqeen in midna kan kale u tagin oo la’isugu yimaado meel dhex dhexaad ah!

Taas, waa qab iyo isla weyni labada dhinac ah maadama labadii mas’uul ee dalka ugu sarreeyey sidaas u ficil tamayaan, ka warrama kuwa kale?

Waxaa Iyana is weydiin mudan, dal malagu hoggaain karaa qab, isla weyni iyo caqliyad noocaas ah?

Dhinaca kale, wali ma cadda in Gudoomiye Mursal dib ugu laabtay gurigiisii iyo goorta dib hawlihii baarlamaanka dib u bilaaban doonaan.

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid