Dal Yurub ah oo muhaajiriin badan soo qaadaya, si uu ugu xumeeyo Midowga Yurub

Minsk (Caasimada Online) – Boqolaal muhaajiriin ah ayaa dhooban xuduudda kala qeybisa dalalka Belarus iyo dalka xubinta ka ah Midowga Yurub ee Poland oo ay doonayaan inay galaan, si ay ugu sii gudbaan dalalka kale ee Midowga Yurub.

Midowga Yurub ayaa wacad ku maray cunaqabteeno cusub oo ka dhan ah Belarus, ayaga oo ku eedeeyey madaxweynaha dalkaas Alexander Lukashenko inuu adegesanayo xeelad la mid ah “tan burcadda.”

Xiisadda ka taagan xuduuddan ayaa soo socotay dhowr bil, waxaana ku dhintay toddoba qof oo muhaajiriin ah.

Poland iyo xubnaha Midowga Yurub ayaa ku eedeeyey Belarus inay ku dhiiri-gelineyso muhaajiriinta – oo ka yimid Bariga Dhexe, Afghanistan iyo Afrika oo Soomaaliya ay ku jirto – inay si sharci-darro ah uga gudbaan xuduudda oo ay galaan Midowga Yurub.

Arrintan ayaa la sheegay in madaxweyne Lukashenko uu u sameynayo inuu uga aarguto cunaqabteeno la saaray dalkiisa oo sabab looga dhigay xadgudubyo dhanka xuquuqda aadanaha.

“Dowladda Belarus waxay hab aan horey loo arag weerar ugu tahay xuduudda Poland iyo Midowga Yurub,” waxaa sidaas shir jaraa’id oo uu Warsaw ku qabtay ku yiri madaxweynaha Poland Andrzej Duda.

“Waxaan hadda xero ku haynaa muhaajiriin loo diiday inay ku laabtaan Belarus, qiyaastii waa 1,000 qof, oo badankood ah dhallinyaro. Ficilkan waa daan-daansi ay tahay inaan iska caabinno, innaga uu fulineyna waajibaadkeena xubinnimo ee Midowga Yurub.”

Dowladda Lukashenko oo ay taageero Russia ayaa beenisay inay ka dambeyso qalaalasaha muhaajiriinta, waxayna ku eedeyeysay Midowga Yurub iyo Mareykanka inay mas’uul ka yihiin silaca muhaajiriinta ku haysta xuduuda.  

Guddiga Midowga Yurub ayaa sheegay in hadda 2,000 oo qof ay ku xaniban yihiin xuduudda.

“Tani waxay qeyb ka tahay hab aan bani’aadaminimo aheyn, oo sida burcadda oo kale ah, oo taliska Lukashenko uu adeegsanayo, isaga oo been u sheegaya dadka, si qaldan u adeegsanaya dadka, islamarkaana keenaya Belarus, isaga oo ugu been sheegaya inay si fudud ku geli karaan Midowga Yurub,” waxaa sidaas yiri afhayeen u hadlay guddiga Midowga Yurub.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Belarus ay xitaa dalal kale kasoo qaadeyso muhaajiriinta kadibna geyneyso xuduudda Poland, si ay ugu xumeyso Midowga Yurub.