Soomaaliya oo kasoo dabacday mowqifkii ay ka qaadatay qorshaha Midowga Afrika

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dabcisay mowqifkeeda ku aadan qaab dhismeedka Amniga AMISOM ee dalka, iyadoo xustay inay diyaar u tahay inay sii waddo wada-xaajoodka Midowga Afrika toddobaadyo kadib markii ay diiday soo-jeedin ka timid Midowga Afrika.

Midowga Afrika ayaa dhowaan soo jeediyey in howlgalka AMISOM loo beddelo mid ay ku mideysan yihiin QM iyo Midowga Afrika, taasi oo dowladda ay si weyn u diiday, ayada oo ku adkeysatay in AMISOM ay dalka ka baxdo 2023-ka

Hase yeeshee wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq oo ka hadlay kulanka uu la qaatay 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika oo ka dhacay Muqdisho, ayaa muujiyey mowqif dabacsan iyo inay Soomaaliya diyaar u tahay in arrintan laga hadlo.

Wasiirka ayaa, si kastaba, ku eedeeyay Midowga Afrika inay ka gaabiyeen inay tixgeliyaan soo jeedinta Soomaaliya ee ku aaddan qaabka loo marayo ka bixitaanka AMISOM ee dalka. 

“Xaqiiqdu waxay tahay in aysan jirin wax suurta geli kara iyada oo aan ogolaansho laga helin waddanka martida loo yahay. Qorshaha kala guurka waxa uu noqon doonaa mid ku saleysan mowqifka dowladda Federaalka Soomaaliya, kaliya ma ahan maamulkaan, balse sidoo kale waa maamulka mustaqbalka ee dalka,” ayuu yiri wasiirka.

Balse wareysi uu bixiyay kadib kulanka uu la qaatay wafdi ka socday golaha ammaanka iyo nabadda Midowga Afrika Cabdirisaaq ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku habboon tahay wadahadal oo kaliya oo aysan jirin cid ku qasbi karto wax aysan rabin.

“Hannaan-socodka kala-guurka, Soomaaliya waxay ku adkaysatay in la aqbalo soo jeedinteeda. Xitaa haddii qorshaheena ay qaataan AMISOM oo ay taageerto Qaramada Midoobay, waan sii wadi doonnaa wada-hadallada in muddo ah, laakiin nasiib-darro markii hore ma hirgelin, waana halka la isku khilaafay,” ayuu yiri wasiir Cabdirisaaq.

Soomaaliya ayaa ka soo horjeedsatay soo jeedintii Midowga Afrika ee ahaa in la geeyo ciidamo xasilin oo ka socda Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay si ay Amniga Soomaaliya ugala wareegaan howgalka AMISOM bisha December 2022.

Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa ku gacan seyrtay hindisahaas, waxaana taa beddelkeeda ay ku dhegtay qorshe ay wadeen dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka sanadkii 2018-ka oo loogu magac daray Qorshaha kala guurka ee Soomaaliya.

Guud ahaan qorshaha la dajiyey sanadkii 2018 waxa uu tilmaamayaa in si tartiib-tartiib ah howlgallada AMISOM loogu wareejiyo Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya.

Qorshahan waxaa lagu taageeray shirkii 769-aad ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee 30-kii Abriil 2018, iyadoo intaas ka dib lagu soo bandhigay laguna taageeray shir heerkiisu sareeyo oo beesha caalamku ku yeesheen magaalada Brussels ee dalka Belgium, 2-dii May 2018.

Hase yeeshee, hirgelinta qorshahaas ayaa intiisa badan lagu fashilmay. Tusaale ahaan, wejigii koowaad waxaa loogu talagalay saddex marxaladood oo ay ugu horreeyaan in amniga Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde lagu wareejiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, in gacanta dowladda lasoo geliyo magaalada istiraatiijiga ah ee Leego ee dowlad goboleedka Koonfur-Galbeed iyo furitaanka waddooyinka isku xira Muqdisho iyo Baydhaba.

Seddexdaas qodob waxaa kaliya lagu guuleystay in ammaanka Garoonka Aadan Cadde lagu wareejiyo Dowladda Soomaaliya, waxaana lagu fashilmay in la fuliyo labada qodob ee kale.

Sidoo kale, marxaladda ugu dambeyso ee qorshahaas ayaa wuxuu ahaa in guud ahaan Amniga Soomaaliya lagu wareejiyo gacanta ciidamada Dowladda Soomaaliya bisha December ee sanadkaan, waxayna u muuqataa inaysan midaas hadda suuragal aheyn.