Muxuu yahay ujeedka safarka R/W ROOBLE uu ku tegayo Maamul Goboleedyada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in markale uu safar ku tagi doono gobollada dalka, isaga oo booqan doono magaalooyinka qaar ee maamul goboleedyada.

Rooble ayaa shaaca ka qaaday in socdaalkiisa uu la xiriiro goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka dalka, gaar ahaan mida Golaha Shacabka Soomaaliya.

”Wixii ka bilowda Jimcaha ama Sabtiga waxaan diyaariyey safaro aan ku tagayo goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Xildhibaanada Golaha Shacabka,” ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul wasaaraha oo ah mas’uulka ugu sarreeya doorashooyinka ayaa u kuur -geli doona goobaha loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka, si uu u qiimeeyo xaaladda guud.

Sidoo kale Rooble ayaa warbixino ka dhageysan doono guddiyada doorashooyinka iyo saraakiisha qaabilsan sugidda ammaanka magaalooyinka loo qorsheeyey doorashada.

Ujeedka ugu weyn ee Ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriira sidii loo dardar-gelin lahaa doorashada Golaha Shacabka oo haatan si rasmi ah uga bilaabatay Muqdisho.

Doorashadan ayaa ah mid xiiso badan, kana adag mida Aqalka Sare ee Soomaaliya, maadaama xildhibaanada cusub ay soo xulayaan ergo gaareysa 101 xubnood.

Si kastaba, Soomaaliya waxaa ay weli ku jirtaa xaalad kala guur ah oo ka dhalatay daaha doorashooyinka dalka ee 2021-ka, kuwaas oo haatan maraya meel wanaagsan.