Dalalka Carabta oo go’aan culus kasoo saaray xiisadda badda ee Somalia iyo Kenya

Qaahira (Caasimadda Online) – Bayaan kasoo baxay kalfadhiga Afaraad ee Baarlamaanka Carabta oo lagu qabtay Magaalada Qaahira ayaa laga soo saaray baaq ku aaddan in Biyaha Soomaaliya ay yihiin hanti Carbeed.

Baarlamaanka Carabta ayaa Dowladda Kenya ugu baaqay inay joojiso damaceeda ku aadan iinay qaadato dhul biyeed kamid ah  Soomaaliya.

Baarlamaanka Carabta ayaa dhul badeedka Soomaaliya ku tilmaamay inuu yahay qeyb kamid ah dhul badeedyada Carabta oo aysan suurtagal aheyn in kala jaro.

Baarlamaanka Carabta ayaa sheegay inaan la aqbali karin sheegashada beenta ah ee Kenya iyo Qariirada cusub oo ay dooneyso inay dajiso taasoo ay ku tilmaamtay inay tahay  wax aan la aqbali karin.

Sidoo kale Baarlamaanka Carabta ayaa dowladda Kenya ugu baaqay inay joojiso faragelinta ay ku heyso gudaha Soomaaliya taasoo ay ku sheegtay inay ka baxsan tahay madaabi’da daris wanaaga iyo heshiisyada Caalamiga.

Baarlamaanka Carabta ayaa sheegay inuu Soomaaliya ka caawinayo ilaalinta Midnimadeeda, Amnigeeda, Xasiloonideeda, Babbaadada Dhulkeeda, Xuriyadeeda iyo Karaamadeeda dhul ahaan, bad ahaan iyo cir ahaan  intaba.

Warka kasoo baxay Baarlamaanka Carabta ayaa kusoo aadayo xilli ay meel xun mareyso xiisadda u dhaxeyso Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya iyadoo jawaab laga sugayo dacwadda loo gudbiyey Maxkamadda ICJ.

Bayaanka kasoo baxay Baarlamaanka Carabta oo turjuman ayaa u qornaa sidan.

Baarlamaanka Carbeed waxa uu taageerayaa Jamhuuriyadda Soomaaliya si loo dhowro midnimadeeda, nabadgelyadeeda, deganaanshaheeda, bedqabka dhulkeeda, xorriyaddeeda, milgaheeda, Beri, Bad iyo Cir , waxa uu ugu baaqayaa Kenya in ay faraha kala baxdo Biyo Goboleedka Jamhuuriyadda Soomaaliya, oo ah qeyb aan ka go’ayn biyaha Carbeed oo lama taabtaan ah, waxa uu ku gacan seyrayaa sheegashada beenta ah ee ah calaamadeyn cusub oo raad lahayn, xaqiiqdana ka fog, sidoo kale waxa uu ganafka ku dhufanayaa hanjabaadda faragelin ee Kenya ee arrimaha gudaha Soomaaliya iyo ku tumashadeeda mabaa’diida deris wanaagga iyo heshiisyada caalamiga.

Baarlamaanka Carbeed waxa uu ugu baaqayaa wadamada Carbeed ee xushmadda mudan in ay garab istaagaan Jamhuuriyadda Soomaaliya oo tallaabooyin wanaagsan u qaadaysa dhinacyada ammaanka, deganaanshaha iyo ka takhalusidda argagaxisada iyo waxyaabaha ka hor’imaanaya xuquuqul insaanka.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online

Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com