Sheekh Cali Wajiis oo shaaca ka qaaday qorshe ay DF ku baajin rabto xajka sanadkan

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Wajiis) oo ka mid ah Culumada Soomaaliyeed kana mid ah guddiga arrimaha xajka ayaa xukuumada federalka ku eedeeyay inay caqabad ku tahay sanadkan Soomaalida dooneysa inay soo xajiso.

Qoraal dheer uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku soo bandhigay qoddobo sababi kara in sanadkaan Soomaalida ka baaqato Xajka.

Qodobada uu soo saaray Sheekha ayaa waxaa kamid ah in xamlooyinka loo xil saaray xajka sanadkan aysan lahayn waayaraganimo ku filan marka laga reebo shan xamlo.

Hoos Ka Akhriso Qodobada uu ku sababeeyay in Xukuumadda Soomaaliya caqabad ku tahay Arrimaah Xajka.

Asc waxaan maanta anigoo aad uga xuna kana murugeysan aan madaxda qaranka iyo umada soomaaliyeed u cadeynayaa in xajkii islaamka ee soomaalidu maanta khatar ugu jiro inow baaqdo sababaha soo socda
1– In wasaaraddii owqaafta iyo diinta oo la rabay iney fududeyso ay caqad ku tahay gudigiina shaqadii ka widi la,yahay

2–In Shirkadihii tartamay ee guuleestay ay ka hor taagantahay wasaaraddu iney howshoodii si toosa u guda gslaan iyagoo weliba ka qaatay lacag ku dhaw 1200.000 rahana uga dhigay 555000

3– In Ay xajkii af duubeen oo ka dhigeen xaj bicsah iyagoo diidan shirkadaha iney kaalintooda qaataan iyagoo acconka wasaaradda ee jiddah doonaaya in $20.000 000 malyan ee soomaalidu ku xajineyso lagu shubo iyagoo ay ka saari karaan lacagtaas oo qura shaqaalaha wasaaradda iyo qunsuliyadda taasoo khilaafsan nadaamkii saxda ahaay 3 biloodna laga shaqeynaayay oo ahaay in shirkadihii guuleestay howlohooda loo daayo loona qoro kartul munadam shirkdeed oo bicsada ka madax banaan lacagohoodana loo madaxbaneeyo iyo shaqooyinkooda bicsaduna u fududeyso wixii dhanka dowladda sucuudiga ku saabsan.

Haddaba iyadoo faragelintaas owgeed dibu dhac weyn wasaaraddu sameysay howlihii shirkadahana faraha kula jirto waxaan ugu baaqayaa madaxda sare ee dowladdu iney xajka aan la siyaasadeyn una sheegto wasaaradda iyagu ay dhiseen in xajkaas aan jidkiisa laga leexin.

Aniga iyo gudiga howlaha xajka ee dhiman waa ay noo muuqdaan sida loosoo gebagebeyn karo uguna habboon lkn wasaaraddii ayaa shaqadii caqabad ku ah.
haddaan 24 saac madaxdu caqabadaha ku hor gudban xajka ka qaadin waxaan uga bexeynaa wasaaradda iyadaana maanta wixii ka danbeeya ka masuula arintaas.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com