Dalalka Carabta oo ka walaacsan hubka Somalia iyo deymo badan

Qaahira (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in Shir Madaxeedka Hoggaamiyayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta ee maanta oo Isniin ah ka furmi doona magaalada Nawakhshood looga doodo sida Somalia looga qaadi lahaa Xayiraada Hubka ee saaran.

Hoggaamiyayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta, ayaa si gaar ah inta uu kulankaasi socdo Golaha Ammaanka ee QM ka dalban doona in Somalia la qaado Xayiraadda Hubka ee saaran.

Hoggaamiyayaashu waxa ay sheegen in Somalia ay kasii baxeyso burburkii ku habsaday sidaa aawgeedna loo baahan yahay in Somalia loo ogolaado in loo fasaxo inay lasoo degto Hubka culus ama ay isticmaali karto xiliyada ay xaaladu xun tahay, waxaa sidaa lagu yiro qaraar ay wada taaten Hoggaamiyayaasha xili ay soo bandhigayeen Ajandayaashooda.

Hoggaamiyayaasha waxa ay maanta oo Isniin ah sidoo kale ka doodi doonaan amuuraha dalalka carbeed sida dhibta daahsoon ay dowlada Iran iyo Jesiiradaha ay ka haysato dalka Imaaraadka Carabta, Colaadaha Yeman, Libya, Xaalladda Somalia iyo Falastiin oo ay Hoggaamiyayaasha u arkaan inay muhiim tahay in laga niqaasho qodobadaasi.

Shirkaani maanta oo Isniin ah ka furmi doona Caasimadda Nawakhshood ee xarunta dalka Mauratania, ayaa waxaa ku kulmi doona Madaxweynayaasha iyo Wasiiradda Arrimaha dibedda ee xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta.

Sidoo kale, mudada uu kulanka socdo waxa ay Hoggaamiyayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta ku baaqi doonaan Taageero loo muujiyo dowlada Somalia oo xubin ka ah Jaamacadaha Carabta.

Hoggaamiyayaasha waxa ay dalbi doonaan in Somalia laga saacido dhanka Horumarka iyo Amniga, sida lagu sheegay qoraal kusoo baxay Wargeys kasoo baxa dalka Britain ee lagu magacaabo Asharqal Awsad.

Dhanka kale, Inta uu kulanka socdo waxa ay sidoo kale Madaxda Carabta, ku baaqi doonaan in Somalia laga cafiyo Daymaha Lacageed ee lagu leeyahay, si loo dhiiri geliyo Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Somalia.

Source: Asharqal Awsad