Maxaa laga bartay cayaarihii ka dhacay magaalada MUQDISHO?

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ayaa todobaadkaan iyo midkii ka horeeyay waxay martigelisay ciyaaraha maamul goboleedyada dalka oo markii ugu horeysay lagu qabtay garoonka koonis ee magaalada Muqdisho.

Ciyaarahaasi oo wajiyo badan lahaa ayaa waxaa laga bartay arimo badan, waxaana waxyaabaha ugu weyn ee lagu xasuusan doono kamid ah iney ahaayeen ciyaaro qabyaaleed oo xitaa taageerayaasha si qabyaalad ah ay u tagi jireen garoonka ciyaarta ka dhaceyso.

Taageerayaasha marka aaad la sheekeysato waxaay si cad kuu sheegayaan iney difaacida qabiilka ay u tagayeen garoonka xitaa haddii ay laftooda ciyaareyn iney la safnaayeen dadka ay magaca guud wateen.

Ma jirin xadid lagu sameynayay taageerayaasha labada dhinac oo badankood way isku dhex jireen, haddana ma aysan dhicin waxii laga baqayay oo ahaa iney dagaalamaan.

Ciyaaraha ugu booqdayaasha badnaa waxaa kamid ahaa ciyaarihii dhexmaray Puntland iyo Banaadir oo loo tarjumay iney ciyaarayaan Majeerteen iyo Abgaal, waxaana ugu sii xamaasad badneyd ciyaartii u dhaxeysay Puntland iyo Hiiraan, Shabeelaha Dhexe oo iyadana dadka u tarjumeen iney ciyaareen Daarood iyo Hawiye.

Walow ay kooxaha kale hareen ayaa haddana waxaa ciyaar u dhaxeysa Jubbaland iyo Puntland ay dhaceysa Tallaadada oo finalka koobka la ciyaarayo, waxaana ay taa ka dhigan tahay in koobka maamul goboleedyada Diyaarad lagu qaadayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com