Xog: Yaa la wareegay hantidii & qalabkii Nile Academy ee Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixino lagu baahiyay warbaahinta kasoo baxda dalka Turkiga ayaa waxaa lagu sheegay in Safaarada dowlada Turkiga ay ku leedahay Somalia ay si buuxda ula wareegtay mas’uuliyada Xarumaha Hay’adda Nile Academy ee magaalada Muqdisho.

Waxaa warbixinada lagu sheegay in Safaarada Turkiga ee magaalada Muqdisho ay si buuxda ula wareegtay ilaa Seddex dugsi iyo Isbitaalkii ay maamuli jirtey Hay’adda Nile Academy ee laga eryay magaalada Muqdisho.

Safaarada Turkiga ee magaalada Muqdisho, ayaa la sheegay in laga soo amray Madaxtooyada Turkiga, si ay ula wareegto Hantida Hay’adda Nile Academy ay kaga tagtay Isbitaalka Deva iyo qalabka yaalla dhammaan iskuulada seddexda ah oo ay maamuli jirtay Hay’adda Nile Academy.

Waxaa sidoo kale la xiray Isbitaalka ay maamuli jirtay Hay’adda Nile Academy, iyadoo Hantida Isbitaalkaasi loo wareejin doono Isbitaalka Tababarka iyo Cilmi-baarista ee Somalia-Turkey.

Safaarada Turkiga ay ku leedahay magaalada Muqdisho, ayaa xiligaani iyo wixii ka danbeeya la sheegay in lagala xisaabtami doono hantidaasi.

Hantida iyo guud ahaan qalabka Hay’adda Nile Academy ayaa waxaa loo rogay Hanti qaran, halkii ay horay ka ahaan jirtay hanti shaqsiyadeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com