Xog: 3 arrin oo loo sababeeyey hanjabaaddii Boorsaani ee ka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani) uu Guddoomiyayaasha Degmooyinka ugu goodiyay xil ka qaadis ayaa waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Gudoomiyayaasha qaar lagu helay dhac dadban oo ay u geysanayaan dadka ku nool degmooyinkooda.

Sababta ugu weyn ee Guddoomiyaha Gobolka ugu Hanjabay xil ka qaadista Guddoomiyayaasha Degmooyinka waa haddii Isbaaro lagu dhigto Degmooyinkooda ayaa waxa ay timid kadib markii Guddoomiyayaasha qaar ay boob ka geysteen Degmooyinka iyaga oo wajiyo badan adeegsanaayo.

Sababta koowaad ayaa waxaa lagu sheegay kadib markii Guddoomiyayaasha Degmooyinka ay sameysteen ciidamo u gaar ah oo iyaga xiliyada Habeenkii gudaha degmooyinkooda ka geysta dhac noocyo badan leh, sida dukaamada la boobo gaar ahaan kuwa dhaqaalaha badan ay yaalaan.

Sababta labaad ayaa waxaa lagu sheegay in Guddoomiyayaasha Degmooyinka ay dhacaan Mucaawinooyinka Hay’adaha iyo kuwa gaarka ah, iyaga oo adeegsanaaya ciidamo iyaga u gaar ah.

Sababta seddexaad ayaa waxaa lagu sheegay in Guddoomiyayaasha qaar ay dhac u geystaan milkiilayaasha guryaha iyaga oo dhul boob ku sameeya mitiro la sheegay inay sharciyeysay dowladii hore ee Somalia, sida Guddoomiyayaasha Degmooyinka Shibis, Boondheere, Xamar-jajab iyo Waabari oo iyagu ku xadgudba dhulalka islaameed iyaga oo ka raadinaaya dhaqaale sharci darro ah.

Inta badan Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka ayaa geysta boob aan xad laheyn iyaga oo howshooda kusoo koobay inay qaatan canshuur iyo boobka lagula kaco Hay’adaha gargaarka.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa arrintaani ka dhiidhiyay kadib markii loo geeyay Filimo yar yar oo laga soo duubay dhowr Guddoomiye oo iyagu handadaaya dadka shacabka ah.

Si kastaba ha ahaatee, arrintaani foosha xun ee lagu eedeeyay Guddoomiyayaasha Degmooyinka ayaa waxa ay farxad galisay dadka shacabka ah ee dhibka iyo boobka kala kulma Guddoomiyayaasha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com