Xog: 3 qorshe oo Dam-Jadiid ay ku afduubeyso doorashada 2016

Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Macalin Fiqi oo ka mida madaxda xisbiyada Siyaadda dalka ayaa kashifay howlaha dowladda Federaalka iyo kooxda Damjadiid ay wadaan si ay u afduubtaan doorashada dalka, wuxuuna soo badhigay arrimo ay ka mid yihiin:

1 – Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ku mashquulsan inay odayaal been abuur ah ka qortaan beelaha Soomaalida una sameyso kaarar aqoonsi si loogu musuqmaasuqo Doorashada.

2 – Xiligii ololaha doorashada la geli lahaa in la joojiyay shirarkii waxgaradka ku yeelan lahaayeen hoteelada Muqdisho.

3 – Inay musharax yihiin madaxda sare ee dalka sida Madaxweynaha, Ra’iisal wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Axmed Fiqi wuxuu ka digay in dalkan ay kooxda Damjadiid u wado kacdoon iyo in shacabka Soomaaliyeed ay ku kacaan oo talada ka tuuraan, wuxuuna ku eedeeyay ujeedka dowladda inuu yahay haddii aanay dib u soo noqoneyn in dalkan ka dhaco meel xun.

[su_audio url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/07/Axmed-Fiqi.mp3″]

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com