SHEEKH SHARIIF oo laga sugayo Muqdisho (Waqtiga + Ciidankiisa)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia uu soo gaaro Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sheekh Shariif ayaa waxaa magaalada Muqdisho laga sugaayay maalintii Axada ee lasoo dhaafay, hase yeeshee waxaa lasoo warinayaa in dib u dhac uu ku imaaday safarkiisa.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu magaalada Muqdisho kusoo beegan yahay 29-ka bishaani waa haddii uusan dhicin isbedel.

Soo dhaweynta Ex Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif ayaa waxaa ka qeybqaadanaaya xubnaha Beesha caalamka ka jooga Somalia, iyadoo amaankiisa loo xil saaray ciidamada AMISOM.

Amaanka Sheekh Shariif ayaa waxaa sidoo kale loo diyaariyay ciidamo la sheegay in tiradooda ay kor u dhaafeyso 200 kuwaasi oo laga soo dhex xulay ciidamadii uu horay u maamuli jiray Sheekh Shariif.

Ujeedka ugu weyn ee booqashada Sheekh Shariif ayaa ah in magaalada Muqdisho uu kasii bilaabo ololaha doorashooyinka, waxaana lagu wadaa in mudada ka harsan doorashada uu kusii nagaan doono magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com