Jubaland oo musuqday gargaarkii Turkiga iyo xubno sir shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Gedo ayaa shaaciyay musuq maasuq raashiin oo ay sameeyeen xubno ka tirsan maamulka Jubbaland, kuwaasi oo uu sheegay iney musuqeen raashiinkii Turkiga ugu talo galay Jubbaland.

Raashiinka la musuq maamusuqay ayaa maamulka Gedo wuxuu ku sheegay iney tahay raashiinkii loogu talo galay shacabka ku nool deegaanada gobolka Gedo, sida uu sheegay gudoomiyaha gobolka Gedo.

Gudoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buule Xasan, ayaa sheegay in raashooyinkii loogu talo galay gobolka Gedo in lagu iibsanayo suuqyada magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay Wasaarada Arrimaha gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay wax ka qabato arrintaan islamarkaana ay la xisaabtanto masuuliyiinta maamulka Jubbaland sida uu sheegay Gudoomiyaha Gedo.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland oo aan khadka telefoonka kula xiriirnay si aan wax ugu weydiino eedeymaha loo jeedinayo ayaanan inoo suurta gelin inan khadka ku helno.

Dhawaan ayay ahayd markii Wasaarada Arrimaha gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay bilowday qeybinta markabkii gargaar ee ka yimid Dowladda Turkiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com