Xog: Xasan oo mamnuucay in la soo dhoweeyeyo musharaxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu Garoonka Aadan Cadde ka mamnuucay in lagu soo dhaweeyo Musharaxiinta u taagan loolanka doorasho ee dalka.

Amarkaani ayaa la sheegayaa in Madaxweyne Xassan Sheekh uu siiyay Taliyayaasha laamaha amaanka ee gacanta ku haya amniga Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida aan kasoo xiganay Sargaal ka tirsan Madaxtooyada Somalia.

Madaxweyne Xassan waxaa la sheegay in keliya uu amar ku bixiyay in Musharaxiinta ay kaligooda kasoo dagaan Garoonka balse aan loogu dhex sameyn karin Garoonka mashxarad iyo soo dhaweyn ballaaran.

Madaxweynaha waxa uu sidoo kale, ka digay in dhagihiisa ay kusoo dhacaan Musharaxiin kasoo degta Garoonka oo lagu soo dhaweynaayo calamo iyo laamo qoyan, balse waxa uu ka gaabsaday in musharaxiinta xaflado ay ku qabsankaraan gudaha dalka iyo in kale.

Madaxweynaha dalka ayaa sabab uga dhigay diidmadaasi qalqal ku imaankara amniga Garoonka, balse waxaa la rumeysan yahay inuu ugu gol leeyahay caburinta Musharaxiinta doorashada kula loomeysa, waaba haddii ay dhacdo doorashada la filaayo.

Madaxweyne Xassan ayaa waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay Madaxweynaha ugu meylka adag ee Somalia soo maray tan iyo wixii ka danbeeyay burburka ku habsaday Somalia.

Dhanka kale, waxaa magaalada Muqdisho kusoo fool leh Musharaxiinta ugu badan ee iyagu xiligaani iyo wixii ka danbeeya soo gaari doona magaalada Muqdisho, kuwaasi oo uu Xassan Sheekh ka muujinaayo walaac gaar ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com