Arrag sawir qosol badan: Somalia oo ku taameysa booskii UK ee EU

Muqdisho (Caasimada Online)-Ujeedka sawir gacmeedkaani ayaa ah xaalada jahwareer oo ay ku jirto Somalia, tan iyo markii Siyaasada Somalia ay soo faragalisay dowlada ethiopia.

Sawir gacmeedkaani laga sameeyay heerka uu gaarsiisan yahay marqaanka muqaliyiinta ayaa waxa uu muujinayaa in rajadoodu ay tahay in Somalia ay gasho Kursiga ay baneysay dowlada Britain oo ay ku laheyd EU-da.

Muqayiliinta ayaa isku maandhaafay in lagu biiro EU-da gaar ahaan la buuxiyo kursiga ay baneysay Britain, waxaana ka hor imaaday muqayil kale oo ku taliyay in marka hore laga xoroobo gumiysiga ethiopia, gaar ahaan tan uu wado ninka lagu magacaabo Gebra.

Sawir gacmeedkaani waxa uu muujinayaa Jahwareerka Siyaasadeed ee uu dalka ku jiro xiliga la joogo, waxa uuna fakirka muqayiliinta imaanayaa xili Somalia ay dhacdo qaarada Africa, Eu-dana ay tahay mid khuseeya dalalka Yurubta.
ua copy