Xog: Xasan oo wada qorshe lagu xirxiraayo Madaxda Xisbiyada

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa wada sharci dhigaaya in Hay’addaha amaanka dalka ay xiri karaan Hogaamiyayaasha Axsaabta dalka ee sida ba’an kaga soo horjeeda Siyaasada dowlada.

Sharcigaani oo diyaarintiisa ay ka socto Madaxtooyada Somalia, ayaa waxaa la sheegay in Hay’addaha amaanka uu u saamaxaayo inay xiraan Hogaamiyayaasha Axsaabta dalka waa haddii ay ka hor imaadan qaabka doorashada loo wado iyo musharaxnimadiisa.

Sharcigaani ayaa la sheegay inuu lidi ku yahay keliya Hogaamiyayaasha Axsaabta dalka kuwooda caqabada ku ah musharaxnimada Xassan Sheekh.

Sharcigaani waxa uu dhigayaa in Madaxweyne Xassan uu ku tagri fali karo awooda Hogaamiyayaasha Axsaabta haddii ay faragalin ku sameeyaan Siyaasada guud iyo tan gaar ahaan, waxa uuna sharcigaani meesha ka saarayaa awooda ay Asxaabta dalka iminka sheeganayaan.

Sidoo kale, waxa uu sharcigaani ka hor imaan doonaa in Hogaamiyayaasha Axsaabta dalka ay qabsadaan shirar garaafeyn kara Madaxweynaha uu wakhtigiisa sii dhamaanaayo.

Ujeedka gaarka ah ee laga leeyahay sharcigaasi ayaa ah in lagu arbusho Siyaasada mideysan oo ay Hogaamiyayaasha Axsaabta ku taageerayaan musharaxiinta kasoo horjeeda Xassan Sheekh ee ku jira loolanka.

Geesta kale, diyaarinta sharcigaani ee aan sidaa usii badneyn ayaa waxaa iska kaashanaaya xubno si aad u rumeysan Madaxweynaha dalka, waxa uuna kusoo beegmi doonaa wakhtiga ololaha, sida aan xogta ku helnay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com