Sawirro: Ugaaska Xawaadle oo si cajiib ah loo caleemo saaray

Beledweyne (Caasimada Online)-Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxaa ku sugan masuuliyiin kala duwan oo dowlada Soomaaliya ka tirsan iyo musharixiin madaxweyne oo magac ku leh bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka amniga xukuumada Soomaaliya, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka iyo saraakiil ciidan ayaa ku sugan magaalada Beledweyne waxayna ka qeyb galeen xaflada caleemo saarka ugaaska Xawaad Ugaas Xasan Ugaas.

Musharixiin si weyn looba baqayo sanadkaan ayaa sidoo kale ku sugan magaalada Beledweyne waxaana la isku arkay xaflada caana Shubka Ugaaska Beesha Xawaadle.

Musharixiinta waxaa kamid ah Jabriil Ibraahim Cabdulle, Mohamed Abdullahi Nuur, Maxamuud Axmed Tarsan iyo musharixiin kale ayaa isku arkay xaflada Caleemo saarka.

Xafladaasi ayaa kulmisay dad badan oo isaga kala magaalooyinka kala duwan ee dalka Soomaaliya iyo wadamada dibad, waxaana lagu caleemo saaray Ugaaska Beesha Xawaad Ugaas Xasan Ugaas Rooble.

13769461_10208100541046144_729049031665614919_n beledweyne Jabriil Ibraahim Cabdulle Mohamed Abdullahi Nuu