XOG: Khilaafka Xasan Sheekh & C/W Gaas oo soo rogaal celiyey

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lasoo warinayaa in mar kale uu soo rogaal celiyay khilaaf Siyaasadeedkii u dhexeeyay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas.

Khilaafka soo rogaal celiyay ayaa waxaa la sheegayaa inuu ka dhashay kadib markii C/wali Gaas uu helay xog muujineysa in doorashada dalka ay dib u dhacday.

Madaxweyne Gaas oo taa ka duulaaya ayaa la sheegay inuu xiriir la soo sameeyay Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh Maxamuud, isaga oo wax ka weydiiyay jiritaanka wararka sheegaya in doorashada dalka ay dib u dhacday, hase yeeshee Xassan ayaa la sheegay in Gaas uu ugu jawaabay in dowlada ay qaadi doonto talaabo waliba oo maslaxad u ah dalka.

Xassan Sheekh ayaa sidoo kale la sheegay in Gaas uu ku wargaliyay inaanu wax micno ah soo kordhin karin bilal yar oo dib loo dhigo doorashada, waxa uuna hadalkaasi dhaliyay khilaaf hor leh.

Khilaafkaani ayaa waxa uu sababay in mar kale uu soo rogaal celiyo is fahan dari xumadii labada mas’uul ka dhaxeysay, waxaana suuragal ah in khilaafkaani uu saameyn xoogan ku yeesho Siyaasada dalka.

Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa la sheegay inuu dajiyay qorsho cusub oo lagu jaanrogaayo xiliga doorashada waxa ayna doorashada Madaxweyninimo dhaceysaa Bisha December 12-keeda ee sanadkani.

Geesta kale, qorshaha ay Madaxtooyada Somalia ku dib dhigeyso doorashada Madaxweyninimo ee dalka ayaa waxa ay dareen gaar ah galin doontaa Beesha Caalamka oo aan qorshahaani la socon.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com