Sawirro: Saraakiil Mareykan ah oo ku sugan magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Muqdisho ku sugan Saraakiil sar sare oo ka socda Taliska Booliska Mareykanka kuwaasi oo marti galin ka helay dhigooda Somalia.

Saraakiishaani ayaa kormeeray Xarumaha waaweyn ee Taliska Booliska Somalia, gaar ahaan Xarunta Tababarka ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye.

Saraakiishaani ayaa waxa ay kulamo guud la qaaten Saraakiisha Soomaalida, waxa ayna sidoo kale ka dhageysteen warbixino isugu jiro Horumarka Booliska Somalia iyo dhibaatooyinka ay ku shaqeynayaan.

Saraakiisha maanta booqday Dugsiga Tababarka ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee Jeneral Kaahiye ayaa waxaa kamid ah Hugo McPhee iyo John M. Harring.

Saraakiishaani ayaa dhigooda ku wargaliyay in Dowladda Mareykanka ay garab taagan tahay ciidamada Booliska Soomaaliyeed, dhanka tababarada iyo tayeynta qalabka Booliska.
Boolis1

Boolis2

Boolis4

Boolis5

Boolis6

Boolis7

Boolis3