Video: Axmed Naaji oo loo diiday Soomaalinimada lana ilmeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Fanaanka wayn ee Soomaaliyeed Ustaad Axmed Naaji Sacad ayaa ka Waramay Kooxo Soomaali ah oo ku nool magaalada London Kuwaasi oo kula dhaqmay Cunsurimo, Iyagoo ku sheegay inaanu Soomaali ahayn, Isagoona Arintaasi siwayn uga Xumaaday oo la Ilmeeyay.

Ustaad Axmed Naaji Sacad oo la ogyahay heerka ay wadaniyada iy iyo dal jaceylkiisa gaadhay ayaa Arintaasi wuxuu ku Cabiray Suugaan, uu kaga hadlayo, Isagoona u sheegaya dadka Soomaaliyeed Qofka uu yahay iyo Halka uu ku dhashay dadkiisuna ay dagan yihiin.

Hoos ka daawo Video-ga oo ku billaabanaya heesta Axmed Naaji, kadibna Axmed Naaji oo ka hadalaya dhibka uu la kulmay.