Sawirro: Madaxda caalamka iyo dhex hurudka shirarka (2 sabab)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda caalamka ayaa ka siman inay ku dhex hurdaan shirarka caalamiga ah xiliyada ay ka qeybgalayaan shirarkooda.

Sababta koowaad ayaa waxaa lagu sheegay in ay aad u yartahay hurdadooda, waxaana farabadan dhafarkooda.

Sababta labaad ayaa waxaa lagu sheegay in hurdada ay ka doorbidaan inay soo jeedan iyaga oo ka cabsi qaba in xiliyada ay ku jiraan raaxada la afganbiyo.

Madaxweynayaasha ugu hurdada badan ayaa waxaa lagu sheegaa inay yihiin kuwa Africa, taasi oo ugu wacan in mudada ay xilalka hayaan ay ku noolyihiin cabsi la xiriirta in la afganbiyo.

Haddaba waxaan halkaani idinkugu soo gudbineynaa qaar kamid ah liiska Madaxda inta badan ku dhex huruda shirarka heerka caalami iyo midka gaar ah waxa ayna kala yihiin:-

Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh, Angela Markel oo ah Haweeneyda ugu amarka sareysa dalka Jarmalka, Gordon Brown oo horay u ahaa Ra’isul wasaaraha Britain, Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe, Obasanjo Madaxweynihi hore ee Nayjeeriya, Shinzo Abe oo ah Ra’isul wasaaraha dalka Japan.

Sidoo kale, waxaa kamid ah Ra’isal wasaarihii hore ee Talyaaniga Silvio Berlusconi, Madaxweynaha dalka Ugandha Musaven, Madaxweynaha Mareykanka Brack Obama.
Xasan Sheujh
3

1

2

4

5

6

7

8

9