Shirkada Yahoo oo lacag aad u jaban lagu iibiyey (Waa Imisa?).!!

New York (Caasimada Online) – Sida ay qoreen wargeysyada kasoo baxa dalka Mareykanka, waxa ay Shirkadda Verizon ee dhanka isgaarsiinta ee dalka Maraykanka laga leeyahay ay iibsaneysaa shirkadda Yahoo ee sida aadka ah looga isticmaalo caalamka oo idil.

Shirkada Verizon ee laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa la sheegay in Shirkadaasi ay ku iibsan dooto dhaqaale dhan 5 bilyan oo dollarka mareykanka ah, iyadoo ay suuragal tahay in dhaqaalaha uu intaa kasii kordho.

Yahoo ayaa hadda ka hor lagu qiimeeyey 140 bilyan oo dollar, hase yeeshee qiimo dhac aad u xooggan ayaa ku yimid.

Shirkada Verizon ee iibsan doonto shirkadda Yahoo ee sida aadka ah looga isticmaalo caalamka, ayaa dooneysa in Yahoo ay ku biiriso AOL, oo iyadana ah shirkad intarneet oo hoos u dhacday balse miisaankeeda leh.

Shirkada Verizon, ayaa sidoo kale sanadkii hore iibsatay Shirkada lagu magacaabo AOL ee hoos u dhaca ballaaran uu ku imaaday.

Sidoo kale, waxa ay Wargeysyadu qoreen in Heshiiskaasi uusan ku jirin saamiga wayn ee Yahoo ay ku leedahay shirkadda Shiinaha laga leeyahay ee Alibaba.

Qiimahan ayaa aad uga hooseeya kii ay shirkadda Microsoft rabtay in ay ku iibsato Yahoo sanadkii 2008 kaas oo ahaa 44 bilyan oo doolar.

Sidoo kale wuxuu ka hooseeyaa markii qiimaha shirkaddu uu marayay 125 bilyan oo doolar, markaas dot.com uu heer sare marayay.

Si kastaba ha ahaatee, iibsiga shirada Yahoo ayaa waxaa sidoo kale ku tartamaaya shirkado kale, waxaana suuragal ah in dhaqaalaha lagu kala iibsanaayo uu aad u sarakaco.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com