Maxay tahay sababta shirarka Hoteelada ay DF u mamnuucday?

Muqdisho (caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa aad looga hadal hayaa caburinta xisbiyada kala duwan ee dalka lagu sameeyay oo ay ka dambeeyaan madaxda ugu sareyso dalka oo diidan dhaqdhaqaaq xisbiyada ay sameeyaan.

Xogaha aan heleyno waxay sheegayaan iney jiraan ujeedooyin ku hoos qarsan sababta dhaqdhaqaaqyada xisbiyada loo joojiyay, waxaana ugu weyn inaysan sameyn soo jiidasho dhanka shacabka ah iyo iney dhaqaalo ku gataan dadka loo saadaalin karo kamid noqoshada xubinimada baarlamaanka Soomaaliya.

Ilo xog ogaal ah ayaa sidoo kale inoo xaqiijiyay in madaxda ugu sareyso dalka ay doonayaan in dib u dhac lagu sameeyo doorashada, balse haatan haddii xisbiyada ay dhaqdhaqaaq sameeyaan ay adkaan karto in dib u dhac lagu sameeyo doorashada.

Sidoo kale waxaa kooxda DAMJADIID ay dooneysaa iney caburiso xisbiyada kala duwan ee dalka si aysan u muujin awooda dalka ay ku leeyihiin, maadaama xisbigooda ay doonayaan inuu talada dalka kusoo laabto.

Wasaarada arimaha gudaha ayaa dhawana soo saartay qorshe la doonayo in lagu caburiyo xisbiyada dalka ka dhisan, waxaana laga mamnuucay iney ku shiraan hoteelada ku yaala magaalada Muqdisho.

Hogaamiyaasha xisbiyada oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay  si adag kaga soo horjeesteen iney aqbalaan warqada kasoo baxday wasaarada arimaha gudaha waxayna sheegeen in arintaasi caburin ay tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com