XOG: Cabsi ka taagan Masar iyo afgambi laga cabsi qabo in uu…

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Masar Cabdifitaax Al-siisi ayaa si lamafilaan ah u baajiyay safar uu ku gaari lahaa magaalada Nouakchott ee xarunta dalka Mauritania.

Madaxweyne Al-siisi oo lagu waday inuu ka qeybgalo Shirweynaha 27-aad ee Madaxda Carabta uga furmay magaalada Nouakchott, iyadoo bedelkiisa uu shirka ka qeybgalay Ra’isul wasaare Ismail Sherif iyo mas’uuliyiin kale oo dalka Masar kasoo jeeda, sida ay qoreen warbaahinta Masar.

Sababta uu Al-siisi uga baaqday safarkiisa Nouakchott ayey warbaahinta dalka Masar ku sheegen inuu yahay cabsi ka heysa in laga tuuro xilka.

Warbaahinta Masar waxa ay sheegen in Al-siisi uu dareemay inay dhicikarto afganbin, waa haddii uu u socdaalo magaalada Nouakchott.

Wargeyska lagu magacaabo Al-Masry Al-Youmee ee ka soo baxa dalka Masar ayaa cadadkii ugu danbeeyay ku xaqiijiyay in Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Masar ay heleen xogo muujinaaya suuragalnimada in magaalada Qaahira ay ka dhacdo afganbin.

Docda kale, Madaxweynaha dalka Masar Cabdifitaax Al-siisi, ayaa Saraakiisha laamaha amaanka ugu baaqay inay adkeeyan amaanka dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.co