Xog: Kenya oo ku lug yeelaneysa doorashada Somalia ee 2016-ka

Nairobi (Caasimada Online) – Taliska AMISOM ayaa shaaca ka qaaday in Howlgalka ciidamada AMISOM lagu soo biiriyay Saraakiil ka tirsan Booliska Kenya.

Warbixin kooban oo kasoo baxday Taliska ayaa waxaa lagu sheegay in Saraakiishaasi ay tirro ahaan yihiin ilaa 10 Sargaal oo soo qaatay Tababar aad u adag kaasi oo socday muddo hal asbuuc ah.

Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in Saraakiishaasi ay soo barteen hanaanka lagula dhaqmo Bulshada, waxa ayna dowlada Somalia, gaar ahaan Taliska Booliska Soomaaliyeed ka caawin doonaan dhinacyada Tababarada.

Rex Dundun oo ah Madaxa Boliska AMISOM, ayaa sheegay in Saraakiishaasi ay si hufan u gudan doonaan waajibaadkooda, waxa uuna sheegay inay ka fili doonaan amaan iyo howlkarnimo, sida uu sheegay.

Rex Dundun, waxa uu intaa ku daray in 10-ka Sargaal ay sidoo kale dowlada Somalia ka caawin doonaan dhinaca doorashooyinka la filaayo inay ka dhacaan Somalia.

Ujeedka ugu weyn ee keenistooda ayuu sheegay inay tahay Tababarada ciidamada Booliska Somalia iyo dardar galinta doorashada Somalia.

Dhanka kale, Saraakiishaani ayaa waxaa looga fadhiyaa inay kasoo dhalaalan howlahooda shaqo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com