Dalalka MASAR iyo ERITREA oo isku soo dhowaanaya iyo ITOOBIYA oo walaacsan

Asmara (Caasimada Online) – Intii uu Qaahira u joogay booqasho laba maalmood ah oo u dhaxaysay 6-7-dii July, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki waxaa uu la kulmay dhigiisa Masar Cabdil Fitaax Al-Sisi, waxayna kulankoodii diiradda ku sareen biyo xireenka Ethiopia iyo amniga Badda Cas, si loo taagero xasiloonida iyo amniga gobolka, sidaas waxaa sheegay afhayeenka madaxtooyadda Bassam Radi.

Waxay ahayd booqashaddii shanaad ee Afwerki uu ku tago magaaladda Qaahira, tan iyo markii Sisi uu xafiiska qabtay sanadkii 2014-kii. Markaan booqashadiisu waxay timid, iyadoo Masar ay ku guul-darreysatay in Ethiopia kala heshiiso buuxinta biyo xireenka, kaasi oo Qaahira ay rumeysantahay in uu dhaawici doono danaheeda biyaha webiga Nile.

Madaxweyne Afwerki waxaa uu horay u booqday magaaladda Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya 2-dii bishii May, sidoo kale caasimadda Sudan ee Khartuum ayuu booqday 25-kii bishii June. Indha-indheeyeyaashu waxay rumeysanyihiin in booqashadaas ay qayb ka tahay dadaallo dhex-dhexaadin ah oo Eritrea ay dooneyso in ay ku xaliso muranka u dhexeeya Sudan, Ethiopia iyo Masar.

Xiriirka u dhaxeeya Masar iyo Eritrea oo  soo jiray tobankii sano ee u dambeeyey ayaa ah isha dhibaatada Ethiopia, waxay Ethiopia ku eedeyn jirtay Masar in ay Eritrea u adeegsaneyso cadaadis iyo xasilooni darrada Ethiopia.

Xiriirkaasi waxaa uu sii dheereeyay colaadii u dhaxaysay Ethiopia iyo Eritrea, taasi oo dib ugu laabaneysa dagaalkii madaxbanaanida Eritrea ee 1990-kii, halka xaalad aan nabad iyo dagaal midna ahayn oo labada dal u dhaxaysay ay xiisadda gobolka kordhisay sanadihii lasoo dhaafay.

Colaadda taariikhiga ah ee u dhaxaysay Ethiopia iyo Eritea waxaa ay dhamaatay kadib markii labada dhinac ay sixiixdeen heshiis bishii July 2018-kii; kaasi oo Abiy Axmed uu ku kasbaday biladda nabadda adduunka bishii October ee sanadkii 2019-kii.

Wasiirka warfaafinta Eritrea ayaa 11-kii July  sheegay in heshiiskii Eritrea aysan ka helin wixii ay ka fileysay heshiiskii ay la gashay Ethiopia.  War lagu daabacay website-ka wasaaradda ayaa lagu yiri “laba sano kadib markii la sixiixay heshiiskii nabadda, ciidanka Ethiopia waxay joogaan dhulkeena. Xiriirkii ganacsi iyo dhaqaale ee labada wadan uma uusan soo laaban sidii loo baahnaa.”

Sarkaal diblomaasiyadeed oo taqasuskiisu yahay arrimaha Afrika  ayaa u sheegay Al-monitor “Qaahira waxay u furantahay dhamaan hindiseyaasha caalamiga ah iyo kuwa gobolka ee lagu xalinayo muranka biyo xireenka Masar iyo Eritrea, waxay leeyihiin dano ka dhexeeya oo aan ku xadidneyn wax isdhaafi.”

Professor Hamdy Abdel Rahman Hassan oo ka tirsan Jaamacadda Qaahira, isla markaana Al-monitor kala hadlayay doorka ay Eritrea ka cayaari karto khilaafka u dhexeeya Masar iyo Ethiopia ayaa yiri “ Eritrea oo uu xukumayo Afwerki waxay muhiim u tahay isla’egta awoodda geeska Afrika, waxaana muhiimadaas siiyay meesha muhiimka ah ee ay ku taallo. Madaxweyne Afwerki waxaa uu awoodda in uu dhaqmo heer dal shisheeye uuna dantiisa uga faa’iideysto khilaafka.”

Abdel Rahman Hassan ayaa waxaa uu intaas ku daray “Madaxweynaha Eritrea 2016-kii ayuu ku dhawaaqay meesha uu ka taaganyahay biyo xireenka. Waxaa uu rumeysanyahay in biyo xireenku uu ka badanyahay horumarka Ethiopia . waxaa jira calaamado badan oo muujinaya in Eritrea ay u taageersantahay Masar.”

Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii April sanadkii 2018-kii, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia waxaa uu raadinayay in uu xaliyo muranka wadankiisa kala dhexeeya Soomaaliya iyo Eritrea.  Weli xiisado maxali ah ayaa u diidan in uu si dhab u fuliyo siyaasadaha xiriir soo celinta ah.

“Eritrea waxaa ay ka walwaleysay in ay isku haleyso Abiy Axmed, iyadoo xaalad degenaansho la’aan ah ay ka jirto Ethiopia, ciidanka Ethiopia-na ay heystaan dhulka lagu muransanyahay,” ayuu yiri Abdel Rahman Hassan.

Waxaa uu xusay “meesha ay ku taallo Eritrea iyo xiriirka ay la leedahay dalalka gacanka, gaar ahaan Sucuudiga iyo Imaaraadka ayaa taageero istiraatiiji ah u unoqon karta Masar, gaar ahaan haddii ay arrintu dagaal gaarto.”

Abiy Ahmed ayaa shalay booqasho lama filaan ah ku tegay Asmara, waxaana la rumeysan yahay inuu qabo walaac la xiriira in Eritrea ay garab u noqon karto Masar, taas oo hadda isku dayayo inuu ka hortago.