Dalkii koowaad oo Somalia usoo diray ciidamo ka madax-banaan howlgalka ATMIS

Doolow (Caasimada Online) – Magaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay gaaray ciidan cusub oo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo ka madax-banaan howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS (ex-AMISOM).

Ciidamadan ayaa sidoo kale waxaa la socday Madaxa hawl-galinta ciidanka militariga dowladda Itoobiya General Tasfaye Ayalew iyo Taliyaha guud ee ciidanka xoogga gaarka ee dowlad deegaanka Soomaalida iyo Sarakiil kale oo ka socotay dowladda Itoobiya.

Masuuliyiintan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Doolow kusoo dhaweeyay saraakiisha ciidamada, guddoomiyaha degmada Maxamed Lafeey iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Ciidankan ayaa waxay fariisimo cusub ka sameysteen aagga garoonka diyaaradaha magaalada, waxayna qeyb ka yihiin fulinta howl-gal wada-jir ah oo go’aankiisa madaxda dalalka safka hore ku gaareen magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa socda qorshe lagu doonayo in ciidankan aan ka tirsaneyn howl-galka ATMIS ee Itoobiyaanka ah lagu geynayo degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Hoggaamiyayaasha Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya ayaa 1-dii Febraayo ka qeyb-galay kulan madaxeed uu Muqdisho ku marti-geliyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

War-murtiyeed kasoo baxay kulankaas ayey ku sheegeen inay isku raaceen inay si wadajir ah u qorsheeyaan una abaabulaan olole howlgal “oo lagu raadinayo laguna burburinayo” Al-Shabaab, kaasi oo ah dhowr jiho.

Itoobiya ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee si rasmi ah u fuliya heshiiskaasi. Jabuuti iyo Kenya ayaa sidoo kale ciidamo dheeraad ah kusoo dari doona ciidamada horey dalka ugu sugnaa ee qeybta ka ah howl-galka ATMIS.

Ciidamadan ayaa qeyb ka noqonaya howl-galka dalalka safka hore ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo lagu xoojinayo dagaalka ka socda dalka, oo deegaano horleh looga xoreeyay kooxda.

La-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali oo dhawaan shaaciyay in ciidamadan soo gaari doonaan dalka ayaa waxa uu yiri “Kaalintooda waa inay si wadajir ah u qorsheeyaan uguna howlgalaan taliska ciidamada amniga Soomaaliya. Sidaas darteed, waxay la dagaalami doonaan Al-Shabaab, ayaga oo garab taagan ciidamada Soomaaliya. Waa sidaas qorshaha.”

Matt Bryden, oo ah khabiir amniga Geeska Afrika ah ayaa sheegay in ciidamada dheeraadka ah, ee aan qeybta ka aheyn ATMIS “ay dedejin karaan dadaalalda lagu wiiqayo loogana adkaanayo Al-Shabaab.”

“Tan iyo markii dowladda federaalka iyo saaxiibadeeda ay ku dhowaaqeen damacooda, Al-Shabaab waxay u badan tahay inay kala dirtay dagaal-yahannadeeda si ay uga fogaato dagaal militari oo toos ah,” ayuu yiri.

Bryden ayaa ka digay in guusha wejiga labaad ee duulaanka ay ku xirnaan doonto laba arrin oo muhiim ah.

“Kan koowaad waa qorsheyn,” ayuu yiri

“Howl-gallada ka hortagga argagixisada waa inay noqdeen kuwa ay sirdoonka hoggaamiyaan oo leh ujeedooyin cad, sida burburinta saldhigyada la yaqaan ee Al-Shabaab iyo dilka hoggaamiyayaasha sare.”

Arirnta labaad ayuu ku sheegay in la helo ciidamo xaqiijiya oo gacanta ku haya deegaanada laga qabsado kooxda, ayuu yiri.

“Howl-galladii ugu dambeeyey ee dowladda ee ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee gobollada dhexe, waxay muujiyeen maqnaanshaha ciidamada awood u leh inay sii hayaan deegaanada,” ayuu yir Bryden.