CC Shakuur oo shaaciyay tallaabo uu qaadayo xisbigiisa kadib xubnihii ka tagay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shaaciyay in xisbiga Wadajir oo dhawaan ay ka tageen xubno badan uu qabsan doono shirweyne dib u qaabeyn loogu sameynayo xisbiga.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale waxa uu ku tilmaamay ka tagista xubnahaasi in qeyb ka tahay sunaha xisbiyada ee marka doorasho laga soo baxo, sida uu hadalka u dhigay.

“Markasta oo doorasho siyaasadeed ay dhacdo dad ayaa xisbiyada ka taga oo kuwa cusub ayaa soo gala. Dadkii tagay waa mahadsan yihiin dad wanaagsan oo si fiican aan iskula soo shaqeyn waaye, xaq ayay u leeyihiin in xisbiga ka tagaan sababo u gaar ah ayay sheegeen oo qofka bini’aadamka ma dhihi kartid sabab gaar ah majiri karto.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waxaa na saaran inaga intii soo hadhay in aan shirweyne qabano oo dib u habeyn ku sameyno xisbigii xilliga ugu dhaqsaha badan ee ugu haboon.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in xisbiga uu hoggaamiyo ee Wadajir uu gacmo furan kusoo dhaweynayo ciddii daneynaysa ee la dhacsan hab fikira iyo aragtiyada xisbigaasi, “Dadka Soomaaliyeed ee afkaarta xisbiga la dhacsan, shirweyne ayaa qabaneyna oo muhiim ah oo aan go’aansanay intayada xisbiga ku hartay.”

Dhawaan ayay aheyd markii bayaan ay si wadajir ah u soo saareen 19 xubnood oo ka tirsanaa xisbigaan lagu cadeeyey in dhamaantood ay isaga baxeen xisbiga.

Liiskaas ayaa waxaa ka soo muuqday siyaasiyiin miisaan leh oo 6-dii sano ee lasoo dhaafay ka soo tirsanaa xisbiga Wadajir.

Xubnaha is-casilay ma sheegin waxa sababay go’aankaan, balse waxay ku gaabsadeen “inay jiraan arrimo u gaar ah oo ku khasbay inay gaaraan go’aankaan.”

Bayaanka ay soo saareen xubnahaan isaga baxay Xisbiga ayaa lagu baahiyey Bogga Facebook ee Wadajir Party.

Qoraalka ayaa ugu horeyn lagu yiri “Xisbiga Wadajir waxa uu ka mid ahaa axsaabta ugu waaweyen ee dalka. Muddadii uu jiray xisbiga waxuu ku guuleystay ballaarinta iyo baahinta nidaamka axsaabta badan iyo dimuqraadiyeynta dalka. Xisbiga waxuu xarumo ku yeeshay dalka gudahiisa iyo dibadiisa. Sidoo kale, tan iyo markii la aasaasay ee bishii June sanadki 2016, xubunaha iyo taageerayaash xisbiga waxey kor u dhaafeen kumanaan.”

“Xisbiga Wadajir waxuu ku dhisnaa — welina ku dhisanyahay — mabaadii’ iyo afkaar ku saleysan Wadatashi, Wadajir, Is-oggol, iyo Dimuqraadiyad,” ayaa lagu yiri qoraalka.