Daawo: Bayaan xasaasi ah oo laga soo saaray shirkii beesha Murusade ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Murusade oo maalmihii dambe uu shirweyne wada-tashi uga socda magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed xasaasi ah, kaasi oo ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo dalab ay beesha u gudbisay madaxweynaha.

War-murtiyeedka kasoo baxay shirkaan ayaa ugu horeyntii waxaa lagu sheegay in beesha ay si mug leh u taageerayaan ciidamada Qalabka-sida iyo ciidamada dib-u-xoreynte ee qeybta ka ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

“Shirweynaha Beesha Murursade wuxuu si weynu bogaadinaya dowladda federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha JFS Mudane Xamza Cabdi Barre iyo Golahiisa Wasiiradda dadaalada istiraatiijiga ah ay ku bixinayaan la-dagaalanka iyo cirib-tirka argagixisada manaxayaasha ah ee dadka iyo dalka Soomaaliyeed muddo 15 sanadood ah dhibaatooyin aan lasoo koobi karin ku hayay.”

Beeshaan ayaa waxay madaxda sare ee dowladda federaalka ka dalbatay in xilka Duqa magaalada Muqdisho iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir la kala qaado inta Maqaamka caasimadda go’aan looga gaaro dib-u-eegista dastuurka ayna beeshu xaq u leedahay mid kamid ah.

“Shirweynuhu wuxuu go’aamiyay in si deg deg ah Khawaaijta looga xoreeyo deegaanada ay beeshu ka degto Galmudug. Sidoo kale waxa uu shirweynuhu bogaadinayaa xiriirka soo jireenka ah ee beesha Murusade kala dhaxeeya beelaha ay wada deegaan iyo kuwa kale ee Soomaaliyeed.”

War-murtiyeedka kasoo baxay Beesha Murusade ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay “in shirweynaha uu garowsaday tabashada Beelaha Digil iyo Mirifle ay u jeediyeen dowladda federaalka Soomaaliya.”

Beesha ayaa waxay go’aamisay in si deg deg ah gogol loo dhigo ay labada beelood uga wada-hadlaan xoojinta xiriirkooda, kadib markii ay garowshiyo ka bixisay tabashada beelaha Digil iyo Mirifle ee Koonfur Galbeed.

“Shirweynuhu wuxuu go’aamiyay in la sameeyo guddi toban iyo saddex qofood ah oo ka shaqeeya horumarinta arrimaah beesha iyo adkaynta wadajirka Beesha Murusade.”

Ugu dambeyntiina waxaa lagu yiri war-murtiyeedkan “Shirweynaha Beesha Murusade wuxuu go’aamiyay in si dhow beelaha Soomaaliyeed uga wada-shaqeeyaan ciribtirka Khawaarijta iyo ilaalinta hanaanka awood qeybsiga hay’addaha dowladda.”