Dallad waxbarasho oo diiday amarkii xirista iskuullada iyo DF oo jawaab bixisay

Muqdisho (Caasimada Online) – Daladda waxbarshada ee FPENS ayaa qoraal ay maanta soo saartay waxay dowladda Soomaaliya uga dalbatay in dib u eegis lagu sameeyo go’aankii xukuumadda xil-gaarsiinta ka soo baxay 2-dii bishaan, kaas oo mudo laba todobaad ah lagu fasaxay goobaha waxbarashada, sababo la xariira faafitaanka cudurka COVID-19.

Waxyar kadib markii ay soo baxday warqadda dalladaas, qoraal kale oo ka soo baxay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa mar kale looga codsaday daladaha waxbarashada ahliga ah, jaamacadaha iyo iskuullada inay dhaqan geliyaan go’aanka xukuumadda.

Daladda FPENS ayaa ku dooday in markii dib loo eego casharadii ay bahda waxbarashadu ka baratay go’aankii sidaan oo kale ay hadda ka hor xukuumaddu u soo rogtay aysan u saamaxay inay kan cusub u hoggaansamaan, iyagoo soo bandhigay dhowr qodob oo dib u dhac ah.

“Go’aankaan cusub waxaa ka dhalanaya in dugsiyadu burburaan, adeegyada waxarashadu meesha ka baxaan, in ay adkaato sidii dib loogu furi lahaa dugsiyada. In qoysas badan oo ku tiirsan dakhli ka soo gala waxbarashada  ay u burburaan dhaqaale xumo awgeed, in uu saameyn ku yeesho natiijada imtixaanka sanad dugsiyeedkaan 2020-2021,” ayaa lagu yiri qoraalka Daladda FPENS.

Sidoo kale dalladu waxay ku dooday in la beegsaday waxbarashada oo kaliya, laakiin ay dalka si caadi ah u yimaadaan dullimaadyada caalamiga ah, kuwa qaadka, sidoo kalena aysan waxaba iska bedelin suuqyada iyo gaadiidka dadweynaha.

Dhanka kale Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha, iyo Tacliinta Sare oo qoraal soo saartay wax yar un kadib qoraalka daladdan ayaa goobaha waxbarashada dalka ka codsatay in la dhaqan geliyo go’aankii xukuumaddu ay ku soo rogtay furnaashaha goobaha waxbarashada.

“Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS oo dhaqan-gelineysa amarka Xukuumadda ee ahaa in la xiro goobaha Waxbarashada, waxay fareysaa dalladaha Waxbarashada, maamuleyaasha Iskuullada iyo Guddoomiyeyaasha Jaamacadaha inay u hoggaamsamaan amarka xiridda goobaha Waxbarashada muddo labo todobaad ah oo ka bilaabaneysa 3-da Maarso 2021,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Hoos ka akhriso qoraaladan oo dhameystiran