Maxkamadda sare ee dalka oo soo saartay go’aanno culus oo toban qodob ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Baashe Yuusuf Axmed ayaa soo saaray go’aano culus oo la xiriira xakameynta Coronavirus, si looga hortago fidis xanuunkan oo mar labaad kusoo laba-kacleeyey gudaha dalka Soomaaliya.

Maxkamadda Sare ayaa shaaca ka qaaday in l a joojiyay dhammaan dacwadaha inta aan aheyn kuwa ciqaabta, illaa  inta lagu guda jiro cudurka saf-marka ah ee Covid-19.

Sidoo kale qoraal ka soo baxay Maxkamadda Sare ayaa waxaa si gaar ah loogu socod-siiyay  hay’adaha Garsoorka dalka iyo laamaha amniga Soomaaliya.

Maxkamaddu waxay sheegtay in ay sii socon doonaan kiisaska dacwadaha ciqaabta ku saabsan, inta laga soo sa

Dhinaca kale warqaddan ayaa waxaa lagu shaaciyey inay sii socon doonaan kiisaska dacwadaha ciqaabta ku saabsan, inta laga soo saarayo go’aan kale oo rasmi ah.

Go’aanadan ayaa kusoo aadaya, xilli dowladda Soomaaliya ay horey usoo rogtay xayiraado lagu xakameynayo fidista cudurka saf-mareenka ah ee Coronavirus.

Halkan hoose ka aqriso:-

  1. Laga bilaabo 6.03.2021, waxa la hakiyey dhagaysiga, furashada iyo fulinta dhammaan dacwadaha aan ciqaabta ahayn illaa go’aan dambe.
  2. Waxa la furi doonaa lana dhagaysan doonaa dacwadaha ciqaabta ah oo kaliya inta uu go’aan kale ka soo baxayo dacwadaha aan ciqaabta ahayn.
  3. Dhammaan hawl-wadeenada Garsoorka waxa la farayaa in ay guryahooda ku shaqeeyaan marka laga reebo hawl-wadeenada ay maalintaas dacwad ciqaab ahi u mudaynsan tahay, kuwa horgeynta leh iyo maamulka hay’adaha Garsoorka.
  4. Dhammaan garmaqalada maxkamaduhu waxay noqon doonaan kuwo dadweynaha ka xiran., waxaana la joojiyey ka qaybgalka dadweynaha ee dacwadaha inta lagu jiro xaalada xanuunka Covid-19.
  5. Maxkamaddaha, Xeer Ilaalinta, Qareenada, Saldhigyada Booliiska iyo Waaxda Dambi Baarista waxa la farayaa in ay xil iska saaraan in ay si taxadar leh u socodsiyaan dacwadaha ciqaabta ah iyagoo qaadaya talaabooyinka muhiimka u ah xakamaynta iyo ka hortagga faafida xanuunka Covid-19, dhawrayana bedqabka maxaabista iyo haw wadeenada.
  6. Garsooreyaasha waxa la farayaa in ay dacwadaha ku dhagaystaan qolalka loogu talogalay dhagaysiga dacwahada oo kaliya, kana dheeraadaan in ay xafiisyadooda dacwad ku dhagaystaan.
  7. Xafiisyada Xeer Ilaalinta iyo Maxkamaddaha Rafcaanku waa in ay si joogto ah ula socdaan xaalada xabsiyada iyo maxaabiista.
  8. Ciidamada Asluubta waxa la farayaa in ay joojiyaan booqashada dadweynaha ee xabsiyada maxaabiista si looga fogaado in xanuunku xabsiyada ku faafo 9. Waxa la joojiyey kulamada tooska ah iyo tababarada.
  9. Wixii kulamo ah waxa loo adeegsan habka fogaan-araga.
  10. Hawl-wadeenada Garsoorka waxa la farayaa in si buuxda ugu hogaansamaan awaamirta iyo talaaboyinka lagu xakamaynayo faafida xanuunka ee ka soo baxa Wasaaradaha Caafimaadka ee Dawlada Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka