Rooble oo war kasoo saaray kulanka mucaaradka ee caawa kadib warar soo baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska ra’iisul wasaare Rooble ayaa shaaciyey goorta uu dhacayo wajiga sedaxaad ee shirarkii u socda xukuumadda xil-gaarsiinta iyo golaha midowga musharaxiinta, kaas oo loo balansanaa Khamiista maanta ah.

Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray waxuu ku sheegay in caawa fiidka hore uu shirkaas ka furmayo Hotelka Decale oo ku dhex yaalla garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, halkaas oo labadii shir ee kan ka horeeysay ay ka dhaceen.

“Shirkii uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble la ballansanaa Midowga Musharaxiinta waxa uu Inshallah Decale ka dhacayaa fiidkan, Wixii ku soo kordha waan idinla wadaagi doonaa,” ayaa Macalimuu ku yiri qoraalkiisa.

Waxaa jira shaki weyn oo laga muujinayo qabsoomidda shirkaas, sida ay ilo ku dhaw shirka u sheegeen Caasimada Online waxaa Ra’iisul wasaare Rooble lagu cadaadinayaa inuu ka baaqdo shirka Midowga Musharixiinta, waxuuna cadaadiskaas uga imaanayaa dhanka madaxweyne Farmaajo.

Hadii uu caawa qabsoomo, waa shirkii seddaxaad oo Rooble uu la yeelanayo golaha midowga musharaxiinta, waxaana qodobada looga hadlayo oo miiska saaran ka mid ah, in xukuumaddu ogolaato in shirka heer federaal iyo heer dowlad goboleed ee looga hadlayo doorashada laga qeyb geliyo xubno metelaya midowga musharixiinta iyo saamileyda kale ee siyaasadda dalka.

Dalabkaas oo soo taagnaa mudo dheer, isla markaana ay horay u soo jeediyeen Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, waxaa si weyn u diidan madaxweyne Farmaajo.

Dhanka kale waxaa maanta fashilmay oo baaqday shirkii uu Madaxweyne Farmaajo isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada, kaas oo markii horaba ay midowga musharaxiintu ku tilmaameen mid Farmaajo ku xagal-dacinayo heshiisyada iyo kulamada u socda, iyaga iyo xukuumadda.