Maxaa la isku raacay kulankii maanta ee beesha caalamka iyo midowga musharaxiinta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta shir gaar ah yeeshay golaha Midowga Musharaxiinta iyo Beesha Caalamka C6+, kaas oo ku qabsoomay aalladda Zoomka.

Labada dhinac waxay shirkaas uga wada-hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka, waxayna isku raaceen in fursad la siiyo wada-hadalada u dhaxeeya Midowga Murashaxiinta iyo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta.

Sidoo kale intii uu sacday shirkan waxaa hoosta laga xariiqay muhiimada heshiis labada dhinac ay gaaraan uu u leedahay shirka soo socda ee dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada oboleedyada.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa caawa shirkii sedaxaad la yeelanaya golaha midowga musharaxiinta, kaas oo markii loo balansanaa inuu qabsoomo Khamiista maanta ah.

Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray waxuu ku sheegay in caawa fiidka hore uu shirkaas ka furmayo Hotelka Decale oo ku dhex yaalla garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, halkaas oo labadii shir ee kan ka horeeysay ay ka dhaceen.

“Shirkii uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble la ballansanaa Midowga Musharaxiinta waxa uu Inshallah Decale ka dhacayaa fiidkan, Wixii ku soo kordha waan idinla wadaagi doonaa,” ayaa Macalimuu ku yiri qoraalkiisa.

Sidoo kale shirkan waxuu ku soo aadayaa iyadoo maanta uu fashilmay oo baaqday shirkii uu Madaxweyne Farmaajo isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada, kaas oo markii horaba ay midowga musharaxiintu ku tilmaameen mid Farmaajo ku xagal-dacinayo heshiisyada iyo kulamada u socda, iyaga iyo xukuumadda.