Dalxiise Soomaali ah oo laga helay xanuunka cusub ee halista ah ee OMICRON

Hyderabad (Caasimada Online) – Dalxiise Soomaali ah ayaa laga helay nooca cusub COVID-19 ee Omicron, ka dib markii uu gaaray magaalada Hyderabad ee dalka India.

Agaasimaha Caafimaadka ee Gobolka Telangana, G. Srinivasa Rao ayaa sheegay 23 jir ka soo safray Somaliya iyo gabar 24 jir ah oo ka timid dalka Kenya in labadaba laga helay xanuunka.

Agaasimaha oo Arbacadii shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hyderabad ee Xarunta Gobolka Telangana ayaa sheegay in dheecaankii laga qaaday labadaasi qof oo loo diray shaybaarka lagu ogaaday in xanuunku qabaan.

“Sambalooyinkooda waxaa loo diray shaybaarka, si loo kala saaro in xanuunku qabaan iyo in kale, labadaba waxaa la ogaaday inay qabaan Omicron, waxayse leeyihiin astaamo fudud,” ayuu yiri Agaasimuhu.

Labaduba waxay Hyderabad gaareen 12-kii bishan, ka dib markii ay transit ku soo kala mareen Magaalooyinka Abu Dhabi iyo Doha. Markii dheecaanka laga qaaday ayaa la sheegay in loo ogolaaday inay magaalada galaan, saddex maalmood ka dibse markii natiijada baaritaankooda la helay in dib looga soo qabtay nawaaxiga xaafadda Toli Chowki ee magaaladaasi.

G. Srinivasa Rao ayaa sheegaya in ajaaniinta degan Toli Chowki laga wada baari doono COVID-19, isagoona yiri “Dhammaan muwaadiniinta ajnabiga ah ee degan aaggaas waxaa laga baari doonnaa COVID-19.”

Ninkan dhallinyarada ah ayaa noqonaya Soomaaligii ugu horeeyay ee laga helo nooca cusub ee COVID-19, illaa iyo hadda inta laga warqabo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii