Khilaafkii ka taagnaa Masjidka Soomaalida Amsterdam oo Maxkamad gaaray + Video

Amsterdam (Caasimada Online) – Khilaaf muddo ku dhow hal sanno u dhexeeyay guddiga maamula masjidka Quba, oo ah masjid weyn oo ay Soomaalidu ku leedahay Magaalada Amsterdam ee waddanka Nederland ayaa gaaray heer maxkamadeed.

Khilaafkani wuxuu u dhexeeyay Shiikh Suldaan Gasle oo guddoomiye u ahaa guddiga maamula masjidka, ahaana imaamkii masjidka oo dhinac ah iyo xubnaha kale ee guddiga oo kala ahaa Shiikh Ibraahim iyo Guuleed Wayrax oo dhinaca kale ah, waxaanna ku fikir ah Shiikh Ibraahim iyo Guuleed dhammaan xubnaha kale ee maamulka iyo howlwadeenada masaajidka.

Marxaladaha khilaafku soo maray waxaa ka mid ah; In khilaafka ay ku soo baxeen dhowr guddi, balse wax xal ah laga gaari waayay.

Shiikh Ibraahim iyo  Guuleed Wayrax ayaa 14-kii September xilli habeenimo ah Shiikh Suldaan qolka uu ka daganaa dhismaha masjidka ugu geeyay warqad, kuna wargeliyay in  subaxnimada uu masjidka ka baxo. Shiikhu wuxuu farriintii la wadaagay qaar ka mid ah Jaaliyadaha Soomaalida, iyada oo isla subaxnimadii ay soo dhoobteen afaafka hore ee masjidka dad isugu jiray rag iyo dumar, oo u arkayay in ay xaqdarro tahay ceyrinta Shiikha.

Isla maalinkaa waxaa masjidka soo gaaray ciidamo boolis ah, waxayna la kulmeen saddexdii xubnood ee Guddiga, kaddib na Shiikh Suldaan waxaa amar lagu siiyay inuu masjidka isaga tago.

Khilaafkan, oo maalin ba maalinta ka dambeysay sii xoogeysanayay wuxuu gaaray in Maxkamad la iska dacweeyo.

Maxkamadda, waxaa dacwada geeyey Shiikh Suldaan, isaga oo ku eedeeyay labada xubnood ee guddiga kala tirsanaa [Shiikh Ibraahim iyo Guuleed Wayrax], in ay xadgudub iyo masabid ku sameeyeen.

Muuqaal Video ah oo ay iska soo duubeen ragga masjidka ku haray ayeey ku sheegeen in Shiikh Suldaan dacwadii uu geeyay maxkamadda inuu masjidka ka  dalbaday magdhow, maxkamaddana uu weydiistay inta xal laga gaarayo dacwadan in masjidka lagu wareejiyo gacan 3aad.

Shiikh  Suldaan, inkastuu qiray inuu dacwada isagu geeyay maxkamadda, haddana wuxuu wax kama jiraan ku tilmaamay inuu masjidka dacwad ka geeyay, isaga oo ku celceliyay in dacwadiisu ay ku jiheysan tahay labada xubnood ee kala ah Shiikh Ibraahim iyo Guuleed Weyrax oo uu sheegay in ay meel kaga dhaceen cirdigiisa.

Maxkamadda ayaa ka fikireysa go’aanka ay ka qaadaneyso dacwaddan, waxaanna suurtagal ah in dhinac saddexaad lagu wareejiyo maamulka masjidka inta labada dhinac arrintooda xal laga gaarayo.

Culumaa’udiin ay ka mid yihiin Sheekh Maxamuud Maxamed Shibili iyo Dr. Cumar Weheliya ayaa Shiikh Suldaan ka dalbaday in isagu maadamaa uu diin xambaarsan yahay, dadka uu khilaafku kala dhexeeyana ay yihiin ardaydiisii iyo dhalinyaradii uu diinta soo baray inuu ka roonaado.

W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xasan 
Amsterdam, Netherlands