Rooble ‘oo shir ugu yeeray’ madax goboleedyada dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo ka hadlay kulan ka dhacay Jabuuti, ayaa xaqiijiyey inuu shir isugu yeeray Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban isaga iyo madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya.

Rooble ayaa sheegay in shirkan looga arrinsanayo xoojinta daah-furnaanta doorashada dalka oo ay hareeyeen eedo la xiriira musuq-maasuq iyo boob, ayna Golaha Midowga Musharaxiinta dalbadeen in la hakiyo.

Rooble ma shaacin xilliga uu dhacayo shirkan, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inuu dhici doono tododbaadka soo socda gudihiisa, haddii ay wada aqbalaan madaxda maamul goboleedyada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in shirkan ay diidan yihii qaar ka mid ah madax goboleedyada, gaar ahaan Axmed Qoor Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen, oo si aad ah ugu xiran madaxtooyada Soomaaliya, inkasta oo cadaadis lagu saarayo inay aqbalaan.

Dhinaca kale, Rooble ayaa iska fogeeyay eedaha la xiriira inuu dhegaha ka fureystay oo uu ka aamusan yahay cabashada laga qabo doorashada iyo inay wax iska beddeleen mowqifkiisii ku aadanaa qabashada doorasho hufan oo lagu kalsoon yahay.

“Waxaa la isweydiinayaa ra’iisal wasaaruhu muxuu la aamusan yahay? tallow waddamaduu tagay miyaa dhabarka kasoo taabtay. Wax kale lama aamusini, waxaan ahay dherigii saddexda dhadhaab u dhaxeeyay, hadday tahay madaxda dowlad goboleedyada, musharraxiinta iyo xafiiska madaxweynaha,” ayuu yiri Rooble.

Rooble wuxuu sheegay in aanay jirin cid dhabarka kasoo taabatay, isagoo sheegay in si hufan doorashada loo qabanayo, wuxuuna ku baaqay in laga wada shaqeeyo sidii doorashadu ku noqon lahayd mid lagu kalsoon yahay.

Rooble ayaa la rumeysan yahay inuu mowqif ahaan isbeddelay kuna biiray xeendaabka Farmaajo wixii ka dambeeyey safarkii uu bishii October ku tegay dalka Qatar, halkaasi oo wararka ay sheegayaan in Doha ay ku amartay inuu la shaqeeyo Farmaajo, islamarkaana lacag malaayin dollar ah uu kusoo qaatay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii